Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa kulan uu ku dhex maray Madaxweyneyaashii hore ee Somaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo. Qaban qaabada kulanka oo uu lahaa Farmaajo ayaa ujeedadiisu aheyd in Madaxweyne Farmaajo cafis ka dalbado Madaxweyne Shariif, gaar ahaan dhacdooyinkii dhacay mudaddii uu xukunka hayay Farmaajo sida weerarkii Hotel Maa’idda...

Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ay Al-Shabaab ku leysay duleedka degmada Ceelbuur ee gobolkaasi, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo xoogan. Dhibtaadan ayaa lagu soo warramayaa inay ka dhacday deegaan 40 KM qiyaastii u jira degmada Ceelbuur oo kamid ah magaalooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay kooxda. Wararka ayaa sheegaya...

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo ku sugan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababaha ciidanka dowladda usoo baneeyeen qaar ka mid ah furimaha dagaalka. ⓘ Jenaraal Ibraahin Sheekh Muxudiin oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka hor jeediyay ciidanka xoogga dalka...

Waxaa xalay soo dumay guri dabaq dheer oo kuyaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha ,gaar ahaan halka loo yaqaan Carwo Leemon oo ku dhaw isgooska Bakaaraha ee degmada Howlwadaag. Dabaqan soo dumay oo ka koobnaa 8-biyaano ayaa la sheegay in uu ku dul-habsaday guryo kale oo hoostiisa kuyaalay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad daris laáhaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in aan la aqbali doonin wax walba oo xagal-daacinaya halganka uu dhiigga u soo daatay ee dalka looga sifeynayo Alshabaab. ⓘ “Halgankan aad dhiigga badan u soo hurteen lama aqbali karo in la majo xaabiyo, cid walba waa lagula xisaabtamayaa masuuliyadda saaran, idinkuna waxaad tihiin geesiyaal diyaar...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto Madaxweyne ka soo saaray Soo-jeedinta Odayaasha Dhaqanka ee Arrimaha Doorashooyinka, kaas oo ay soo saareen bilowgii todobaadkaan kaddib kulamo ka dhacay Magaalada Hargeysa. Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland lagu faafiyay barta Facebook ayaa lagu sheegay in Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Bixi...

Madaxwaynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor oo uu la socdo Wasiirka Gaashaandhiga dalka Cabdulkadir Maxamed Nuur ayaa gaarey deegaano hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo dhawaan ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay la wareegeen. Safarka Madaxweynaha ayaa ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaalada deegaanadaas...

Soomaalida ku nool dalka Maraykanka ayaa cabasho weyn ka muujinaya qiimaha ay ku helayaan baasaboorka Soomaaliya. ⓘ Qiimaha ay safaaradda Soomaaliya ee Washington ku bixiso baasaboorka Soomaaliya ayaa afar jeer ka badan qiimaha lagu bixiyo baasaboorka Maraykanka. Soomaalida degan Mareykanka ee doonaya baasaboorka Soomaaliya, ayaa ka cabanaya in laga qaado lacag...

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay sheegtay in ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug uu isku soo dhiibay Nuurdeeq Cabdullaahi Maalinguur oo kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta gobolka Mudug. Sidoo kale, qoraal kasoo baxay ciidanka PSF ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in sargaalkan kasoo goostay Al-Shabaab ee Nuurdeeq uu...