Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa Magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Anniken Huitfeldt. Kulanka ayay labada Wasiir uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta dhinacyada xoojinta nabadda,  dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo shirka caalamiga ah ee ilaalinta...

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtar Mohamed Ware. Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda uga wadahadley xoojinta iyo Iskaashiga la dhexeeya labada dal, iyo sidii loo sii adkeyn...

Dablay hubaysan ayaa dalka Nigeria ku dishay ugu yaraan 30 qof, halka ay afduubteen tiro caruur ah, weeraro ka kala dhacay illaa saddex gobol oo ku yaalla dhinaca woqooyi ee dalkaas, sida laga soo xigtay laamaha ammaanka iyo dadka deegaanka. Falalkan ayaa ka dhacay gobollo ay ku xooggan yihiin, kooxaha budhcadda ahi, waxayna weeraradooda u adeegsadaan mootooyin, iyaga...

Jeneraal Saleebaan Barre Geesood, oo ahaa taliye ku xigeenkii militeriga Somaliland ayaa sheegay inuu kasoo baxay gabi ahaan ciidamada Somaliland, oo uu haatan ku sugan yahay magaalada Laascaanood, isagoo sheegay in dhibaatada heysata uu la qeybsa doono dadkiisa reer Sool. “Laascaanood illaa 6-dii bishii February, ee sanadkaan 2023-ka. Waxaa ka socday dagaal, kaas oo...

Dowladda Uganda ayaa war cusub kasoo saartay weerarkii toddobaad kahor ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhiga ciidankeeda ee Buulo Mareer, kaasi oo looga laayay askar badan. Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye oo la hadlay VOA ayaa shaaciyay in saraakiil iyo askar kamid ah kuwii ku sugnaa Buulo Mareer ay ku badbaadeen agagaarka iyo meel kamid ah saldhigaasi. Waxa...

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa shaacisay in malaayiin lacag ah ay ku bixineyso la-dagaallanka ururka Al-Shabaab. Waxaa kaloo ay wasaaraddu sheegtay in kowda bish soo socota ee July dib loo furi doono xarunta qaadashada baasaboorka Kenya ee ku taalla magaalada Gaarisa. Kenya ayaa degaano katirsan waxaa dhowr jeer weeraro khasaaro geystay ka fuliyay Xubno...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ku sigan degmada Xudur ayaa qaabilay Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xudur oo ah Xarunta Gobolka Bakool. Madaxweynaha ayaa ka dhagaystay Warbixino ku saabsan xaalada Gobolka, kan Degmada iyo U u diyaar garowga Wajiga labaad ee Dagaalka Dalka lagaga xorreynayo Ururka Al-Shabaab...

Wararka naga soo gaaraya degaanka War-idaad oo katirsan degaannada Somaliland ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Shil Gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen laba Gaari oo nooca xamuulka qaado ah, waxaana inta la xaqiijiyay geeriyooday laba Ruux halka Afar kale ay dhaawacmeen. Goobjoogayaal...

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta madaxtooyada ee Kismaayo ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’ada Maareeynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareeynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubanaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka madasha arimaha gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo. Masuuliyiintan kale duwan...

Shirka Golaha Wasiirrada ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta lagu ansaxiyay degmooyin cusub oo ka mid noqonaya degmooyinka rasmiga ah ee maamulkaas. Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka HirShabeelle ayaa maanta golaha hor keentay hindise sharciyeedka degmooyin loogu aqoonsanayo deegaanno dhowr ah. Wasaaradda ayaa warbixinteeda ku sheegtay...