Wasiirka Warfaafinta oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Ethiopia

by admin | Tuesday, Jun 6, 2023 | 199 views

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Federaalka Ethiopia u fadhiya Soomaaliya Mudane Mukhtar Mohamed Ware.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa kulankooda uga wadahadley xoojinta iyo Iskaashiga la dhexeeya labada dal, iyo sidii loo sii adkeyn lahaa.

Wasiirka Warfaafinta , Mudane Daud Aweis ayaa Danjiraha uga waramey xaaladda Soomaaliya iyo dhinacyada ay labada dal iska kaashan karaan mustaqbalka dhow.

Danjire Mukhtar Mohamed Ware ayaa dhankiisa xusay in Ethiopia ay ku bogaadineyso Soomaaliya horumarka ay ka sameyneyso dhinacyada amniga, xasilinta, siyaasadda iyo dib u heshiisiinta. Waxaa uu intaa ku darey in xaaladda ka jirta Soomaaliya waqti xaadirkan ay dhiirigelineyso in labada dal ee deriska ah ay xoogga saaraan iskaashiga dhinaca horumarinta.

Like it? Share it!

Leave A Response