Dowladda Norway oo Soomaaliya ka taageeraysa dhinacyo dhowr ah

by admin | Tuesday, Jun 6, 2023 | 146 views

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS Abshir Cumar Huruuse ayaa Magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Anniken Huitfeldt.

Kulanka ayay labada Wasiir uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta dhinacyada xoojinta nabadda,  dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo shirka caalamiga ah ee ilaalinta carruurta goobaha dagaaladu ka jiraan.

“Waxaan kulan muhiim ah magaalada Oslo kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda  ee dalka Norway H.E Anniken Huitfeldt.Waxaan ka wada hadalnay  xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii aan kor ugu qaadi lahayn wadashaqaynta dhinacyada xoojinta nabadda,  dib u heshiisiinta, horumarinta dhaqaalaha iyo shirka caalamiga ah ee ilaalinta carruurta goobaha dagaaladu ka jiraan” ayuu yiri Wasiirka oo Qoraal soo saaray.

Dowladda Morway waxaa ay ka mid taahy Dowldaha sida weyn u taageera Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka taageerta dhinacyo baban oo ay ka mid yihiin ammaanka iyo arrimaha bani’aadanimada.

Like it? Share it!

Leave A Response