Guddiga doorashada Puntland oo sheegay in goor dhow xal laga gaarayo khilaafka doorashada Garowe

by admin | Tuesday, Jun 6, 2023 | 132 views

Guddiga doorashada Puntland ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in xal laga gaarayo khilaafka siyaasadeed iyo midka amni ee hor istaagay qabsoomidda doorashada golaha degaanka Garowe iyo labo degmo oo kale.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Cabdirisaaq Axmed Siciid oo BBC Somali la hadlayay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo odayaasha dhaqanku ay ku howlan yihiin xal ka gaaridda doorashada saddexda degmo.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in wada hadalku meel fiican marayo, islamarkaana maalmaha soo socda lagu wado in la shaaciyo jadwalka qabsooomidda doorashada saddexda demo.

Wuxuu sheegay in aysan hadda jirin caqabad weyn oo hortaagan doorashada, isagoo sheegay in wada hadalada socda ay yihiin kuwo siyaasadeed oo meesha looga saarayo baaqashada doorashada.

Dhinaca kale, ciidamadii hor taagnaa doorashada ayaa weli ku sugan magaalada Garowe duleedyadeeda, iyagoo weli diidan go’aankii dhowaan kasoo baxay guddi arrimahan loo xilsaaray, kuwaas oo go’aamiyay in ciidamadu ku laabtaan fariisimahoodii.

Like it? Share it!

Leave A Response