Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle ayaa ku guuleystay inay xabad joojin kala dhex-dhigaan laba maleeshiyo Beeleed oo shalay ku dagaalamay deegaanka Afar irdood oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan. Dagaal oo ka billaawday maleeshiyaadka oo isku heysta dhul ku yaalla degaanka lagu dagaalamay, waxaana dagaalkii shalay la xaqiijiyay inay ku dhinteen...

Warsaxaafadeed ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Turkiga uu ku xad gudbay cunaqabateynta hubka ee Saaran Soomaaliya, iyada oo lagu eedeeyay in ay geeyey Soomaaliya Diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan TB2, kuwaas hawgallo ka fuliyay dalka iyada oo aan lala socodsiin. Sida laga soo xigtay guddiga khubarada arrimaha Soomaaliya ee u kuurgalaya...

Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska. Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo. Shalay,...

Waxaa Maanta oo khamiis ah magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda lagu wadaa inuu ka furmo shir-madaxeedka dalalka Ciidamadooda ay ka qeyb-qaadanayaan xasilinta iyo nabadda dalka Soomaaliya. Madaxda ayaa ka arrinsanaya hannaanka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ay si buuxda ugula wareegi lahaayeen amniga dalka dhammaadka sannadkan iyo qorshaha Ciidamada Afrika...

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga ayaa waxa ay sheegtay inay Howlgal ballaaran ku soo badbaadiyeen 1,687 qof oo rayid ah oo ka soo kala jeeda in ka badan 50 dal, kuwaasi oo ku xayirmay Dagaalka isbuucii labaad ka socdo dalka Sudan. Hawlgalkaasi daad-gureynta ayaa noqday kii ugu ballaarnaa ee ay Dowladda Sacuudiga fuliso. Markabkii waday Muwaadiniinta la...

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa soo saartay digniin cusub oo ku saabsan roobab xooggan oo la sheegay inay deegaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin toddobaadka u dambeeya ee bisha April. Qoraal kasoo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland ayaa waxa lagu sheegay in roobabkani ay kusoo wajahan yihiin magaalooyinka Qardho, Qandala, Ufayn iyo dhulka...

Khasaaraha dhimasho ee beer ku taalla dalka Kenya, halkaasi oo wadaad diimeed kirishtan ah uu xertiisa ku hoggaamiyey inay gaajo u dhintaan, ayaa Arbacadii gaartay 95 qof, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha. Tirada cusub ayaa timid kadib markii booliska ay soo saareen meydadka 17 qof. Tirada guud ee dadka lasoo badbaadiyey ayaga oo gaajaysan ayaa hadda gaartay 34...

Hal qof ayaa dhintay halka lasoo badbaadiyay in ka badan 3 kale oo dhammaandood isku qoys ah kaddib markii guri ku yaalla Magaalada Berbera uu ku dumay Dadkii degenaa sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaaladaas. Guriga Dumay ayaa la sheegay in uu ahaa mid qadiimi ah (Guryihii hore) isla markaana aanay wax daryeel helin muddooyinkii dambe balse ugu...

Dagaal ayaa mar kale ka qarxay Sudan habeenkii Talaadada, inkasta oo ay xabbad-joojin ku dhowaaqeen dhinacyada dagaallamaya, halka ergeyga QM uu sheegay in xabbad-joojint ay qeyb ahaan dhaqan gashay. Ciidamada Militariga iyo kuwa sida militariga u tababaran ee Dacmu Sariic ama RSF ayaa xabbad-joojin 72 saac isku raacay taasi oo billaabaneysay Talaadadii kadib dhex-dhexaadin...

Puntland ayaa soo saartay digniin ku saabsan Roobab xooggan oo la sheegay inay degaanada maamulkaas kusoo beegan yihiin maalmaha u dhaxeeya 24 ilaa 30 April. War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Puntland, ayaa lagu sheegay in robabkani ay kusoo wajahan yihiin, magaalooyinka Qardho, Qandala, Ufayn iyo buuraleyda Calmiskaad. Sidoo...