Muwaadiniin Soomaali oo ku Go’doomay Dagaalka Suudaan oo gaaray Sacuudiga

by admin | Thursday, Apr 27, 2023 | 189 views

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga ayaa waxa ay sheegtay inay Howlgal ballaaran ku soo badbaadiyeen 1,687 qof oo rayid ah oo ka soo kala jeeda in ka badan 50 dal, kuwaasi oo ku xayirmay Dagaalka isbuucii labaad ka socdo dalka Sudan.

Hawlgalkaasi daad-gureynta ayaa noqday kii ugu ballaarnaa ee ay Dowladda Sacuudiga fuliso.

Markabkii waday Muwaadiniinta la soo badbaadiyey oo ka soo shiraacday Dekedda Port Sudan ee ku taalla Badda Cas ayaa la sheegay inuu shalay oo Arbaco aheyd ku soo xirtay  Dekedda magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa lagu xusay in 13 ka mid ah dadka rayidka ee la soo badbaadiyey ay yihiin Muwaadiniin Sacuudiyaan ah, halka inta kalena ay ka soo kala jeedaan dalal ku yaalla Bariga Dhexe, Africa, Europe,  Asia iyo Waqooyiga iyo Bartamaha Amerika (North and Central America).

Dagaalka Suudan waxa uu qarxay bishan April 15-dii, iyadoo ay wada dagaalamayaan Ciidanka Milliteriga Qaranka Suudan ee daadadka u ah Jeneral C/Fataax Al-Burhan iyo kuwa RSF ee u daacadda ah  Ku-xigeenkiisa gadoodsan, Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo.

Tirada Guud ee ay dadka ay  Sacuudiga ka soo daad-gureeyeen dadka ku xayirmay Dagaalka Sudan waxay gaarayaan 2,248 qof, oo in ka badan 2,000 ahaayeen Muwaadiniin Shisheeye ah.

Like it? Share it!

Leave A Response