Berbera, hal qof ayaa ku dhintay Guri ku dumay qoys danyar ah.

by admin | Wednesday, Apr 26, 2023 | 206 views

Hal qof ayaa dhintay halka lasoo badbaadiyay in ka badan 3 kale oo dhammaandood isku qoys ah kaddib markii guri ku yaalla Magaalada Berbera uu ku dumay Dadkii degenaa sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka Magaaladaas.

Guriga Dumay ayaa la sheegay in uu ahaa mid qadiimi ah (Guryihii hore) isla markaana aanay wax daryeel helin muddooyinkii dambe balse ugu dambeyn ku dul dumay qoyskii degenaa oo intooda badan ku dhex sugan.

Qaar kamid ah Dadka deegaanka oo u gurmaday qoyskaan ayaa sameeyay dedaal xooggan oo dhagaxaanta uga dulqaadaan dadka uu guriga ku dumay si looga badbaadiyo dhibaato kasoo gaarta burburka gurigaas.

Xubnaha qoyska ee waxyeellada soogaartay ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka si loo baaro loona hubiyo xaaladdooda, halka qofka dhintay la geeyay guri deris lah gurigaas dumay si loogu diyaariyo in la dhaqo kaddibna la aaso.

Qaar kamid ah Dadka gurmadka sameeyay ayaa ku qaylo dhaaminayay in Dowladda Hoose ee Berbera soogaarto si ay u qabsato shaqadaan, qaarkood ayaa sheegay in aanay jirin gurmad dhankaas ka yimid.

Like it? Share it!

Leave A Response