Kenya: 95 qof oo is-dilay ‘si ay ula kulmaan’ Nebi Ciise CS

by admin | Thursday, Apr 27, 2023 | 202 views

Khasaaraha dhimasho ee beer ku taalla dalka Kenya, halkaasi oo wadaad diimeed kirishtan ah uu xertiisa ku hoggaamiyey inay gaajo u dhintaan, ayaa Arbacadii gaartay 95 qof, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Tirada cusub ayaa timid kadib markii booliska ay soo saareen meydadka 17 qof. Tirada guud ee dadka lasoo badbaadiyey ayaga oo gaajaysan ayaa hadda gaartay 34 qof.

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ayaa tirada dadka illaa hadda la la’yahay ku sheegtay 213 qof.

Paul Makenzi, oo hoggaamiya kaniisadda Good News International Church, ayaa lagu eedeeyey inuu xertiisa ku ururiyey beer ku taalla magaalada Malindi.

Waxaa la tuhunsan yahay inuu u sheegay inay cuntada ka soomaan illaa ay ka geeriyoodaan si ay ula kulmaan Nebi Ciise kahor inta aanu ku aasin xabaalayaal teedan dhul uu leeyahay.

Waxaa la xiray markii booliska ay weerareen beertiisa horraantii bishan, wuxuuna weli ku jiraa gacanta booliska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kithure Kindiki ayaa sheegay in ciidamada amniga “ay ballaarin doonaan howlgallada raadinta iyo badbaadinta si ay u badbaadiyaan tirada nololeed ee ugu badan uguna macquulsan.”

“Dhulka oo cabirkiisu yahay 320 hektar, qeybna ka ah beerta Shakahola ayaa waxaa hadda lagu calaamyeeyey aag dhibaato oo howlgal uu ka socdo,” ayuu yiri Kindiki mar uu booqday goobta.

Wasiirka ayaa sheegay in tani ay noqon doonto marxalad isbeddel oo ku saabsan sida dalka ula tacaalo halisaha xagjirnimada diimeed, islamarkaana ay hadda eegayaan dhacdo tan la mid ah oo la tuhumayo inay ka jirto degaanka Kalifi.

Kooxaha goobta qodaya ayaa helaya meydadka si wadareed iyo si kali kali ah loo xabaalay oo ku jira khabuureyaal lagu asteeyey caalamadda kirishtanka.

Wasiirka ayaa dhacdadan la xiriiray dhimasho cibaadeed uu hoggaaminayey wadaad Mareykan ah oo lagu magacaabi jiray Jim Jones, kaasi oo 900 oo ka mid ah xertiisa ay sun cabeen isna dileen 1978-kii.

Waa dhacdadii ugu dhimashada badneyd ee la xiriirta cibaado diimeed ee laga diiwaan-geliyo Kenya.

Like it? Share it!

Leave A Response