Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya, Gen, Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa guddi baariseed ah u saaray eedeymo loosoo jeediyay ciidamada xabsiga dhexe ee Xamar. Taliyaha ayaa sheegay in guddigan uu baarayo waxa ka jira eedeymaha ku saabsan in la iibsado raashinka loogu talo galay maxaabiista xabsiga dhexe iyo in laga iibiyo waqtiga ay xaqa u leeyihiin inay qorraxda usoo...

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aadan khilaaf xoogan oo dhinaca Canshuurta ah oo soo kala dhexgalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo  Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle. Khilaafkaan ayaa ah mid salka ku haayo hanaanka loo maamulayo Canshuurta gobolka Hiiraan oo ay Hirshabeelle ku  dooneyso iney lacagahaasi...

Kumanaan ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu dilay Soomaaliya, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii ay ciidamadu billaabeen howlahooda shaqo ee Soomaaliya horaantii sannadkii 2007-dii, sida uu VOA u sheegay madaxa howlgalka AMISOM. Mohamed El-Amine Souef, oo ah ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya,...

Hay’adda maaraynta masiibooyinka Soomaaliya, ayaa diginin ka bixisay fatahaado ka dhalan kara webiyada Shabeelle iyo Jubba, kuwaas oo la sheegayo inuu heerkooda biyaha uu kordhay. Warsaxaaafadeed hay’addu ay soo saartay ayay ku sheegtay in roobab lixaad leh oo ka da’ay buuralayda dalka Itoobiya ay sababeen in biyuhu sare u kaceen. Hay’addu waxay sheegtay in saacad...

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka & Wakiilada Beesha Caalamka waxaana kor joogto ku ahaa Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo Muqdisho soo gaaray 11kii April 2023. Dowladda Federaalka ayaa soo bandhigtay guulaha muhiimka ah ee ay ka gaartay dhinaca Amniga gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ka wada aagga deegaanka Cali Afrax oo 12 KM u jira magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud. Ciidanka oo ku sii siqaya deegaano hor leh ayaa gacanta ku dhigay tiro maleyshiyaad ah, kuwaas oo isku dayey inay iska dhigaan dad shacab ah, waxaana xubnihii la qabtay ku socda baaritaan. 12 nin oo looga...

La-taliyaha dhanka Sharciga ee Madaxweynaha Soomaaliya, Sharci-yaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa shaaciyay in aysan jirin siyaasad qaran oo dowladda federaalka ay ka dajisay hanaanka loo wajahayo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland. La-taliye Ibraahim oo wareysi gaar ah siiyay Dalsan Tv ayaa waxa uu sheegay in arrintaan ay sii fogeynayso wada-hadal mira-dhala ah...

Waxaa aad loola socdaa tijaabada lagu sameynayo biyo-xireenka cusub ee laga hirgeliyay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan si looga hortago fatahaadda joogtada ah ee barakicisay kumanaanka qoys ee Magaaladaas ku sugan. Qaar kamid ah xubnaha Guddiyada Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in muddo 9 cisho oo tijaabo ah uu biya-xireenku maray iyada oo aanay...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay madaxtooyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo booqasho rasmi ah maanta ku tagay magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada, ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghaye António Guterres ay ka wada hadleen qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya,...

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda dowlad degaanka Somaalida oo shir isugu yimid ayaa meel mariyay go’aankii ay soo jeedisay dowladda dhexe ee Itoobiya ee ahaa in la kala dirayo Ciidamada booliska gaarka ah ee ay leeyihiin degaannada dalka Itoobiya. Warkan oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar ayaa sidoo kale lagu...