Biyo-xireenka cusub ee Baladweyne oo maraya tijaabo lagu hubinayo sida uu biyaha Wabiga Shabeelle u celin karo.

by admin | Wednesday, Apr 12, 2023 | 231 views

Waxaa aad loola socdaa tijaabada lagu sameynayo biyo-xireenka cusub ee laga hirgeliyay Magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan si looga hortago fatahaadda joogtada ah ee barakicisay kumanaanka qoys ee Magaaladaas ku sugan.

Qaar kamid ah xubnaha Guddiyada Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in muddo 9 cisho oo tijaabo ah uu biya-xireenku maray iyada oo aanay wax fatahaad sameyn si loogu kala yareeyo biyaha xad-dhaafka ah ee Wabiga.

Faaiidada Biya-xireenka ayay Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan & kan Magaalada Baladweyne ku sheegeen in Biyo badan lagu shubayo kuwaas oo ah marka uu buuxsamo Wabiga Shabeelle uu karkaarada jabsan jiray.

Sidaas oo kale waxa uu faaiido u yahay in dib loo isticmaalo marka uu Wabiga biyo yareeyo ama uu gaaro derajo uu ku guro (biyaha lagu waayo) taasi waxa ay isbaddel cusub u horseedday dadka ku tiirsan isticmaalkiisa.

Mashruuca lagu dhisay Biyo-xireenkaan waxaa gacan weyn ka geysatay Dowladda Norway, waxaa muddo dheer qaatay in Dadka Baladweyne ay helaan biyo-xireen ay ku xasilaan si uu ugu yaraado welwelka fatahaadda Wabiga Shabeelle ay ka qabaan.

Like it? Share it!

Leave A Response