Ugu yaraan 3,500 oo askari oo katirsan Midowga Afrika oo lagu dilay Soomaaliya

by admin | Wednesday, Apr 12, 2023 | 274 views

Kumanaan ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu dilay Soomaaliya, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay tan iyo markii ay ciidamadu billaabeen howlahooda shaqo ee Soomaaliya horaantii sannadkii 2007-dii, sida uu VOA u sheegay madaxa howlgalka AMISOM.

Mohamed El-Amine Souef, oo ah ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday tirada khasaaraha inta lagu guda jiray wareysi uu siiyay VOA-da.

Souef wuxuu xaqiijiyay in lagu qiyaasay dhimashada askarta ciidanka midowga Afrika 3,500. Wuxuu sheegay in qasaaraha ugu badan uu soo gaaray ciidamada Burundi iyo Uganda.

Waa markii ugu horeysay oo sarkaal ka tirsan Midowga Afrika uu si cad uga hadlo khasaaraha guud ee ciidamada nabad ilaalinta ee ka howlgala Soomaaliya.

Souef, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Comoros, ayaa sheegay in uu mudnaanta siin doono qoysaska askarta lagu dilay Soomaaliya si ay magdhow u helaan qoysaskooda.

Waxa uu sheegay in ciidamadaasi ay sabab wanaagsan u yimaadeen Soomaaliya, maadaama dalalka ay ciidamada ku deeqeen ay dareemayaan in Soomaaliya ay ku dhow yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale amaantay naf-hurnimada ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Xuseen Sheekh Cali oo ah la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdu ay aqoonsan tahay shaqada ay hayaan ciidamada Midowga Afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response