Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska ayaa xalay kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho. Ujeedka...

Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay muujinayso sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogagga birmadka deg-degga ee dalka Suudaan. “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si...

Bayaan kasoo baxay midowga Dhaqaatiirta Suudaan ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Khartuum ku dhexmaraya Ciidamada Dowladda & Xoogagga sida Militariga u tababaran ee RSF. Kooxdan la magac baxday Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee Suudaan ee loosoo gaabiyo RSF ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay xarumaha...

Kenya ayaa “ka xumaatay” hadallada ku saabsan madaxweyne William Ruto oo la sheegay inay kasoo baxeen ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, kuwas oo ku soo baxay dukumeentigii sirta ahaa ee Mareykan, kaas oo si qarsoodi ah loo dusiyay, sida uu sheegay sarkaal sare oo Kenyan ah Jimcihii. BBC-da oo soo xiganaysa dukumeentiga la faafiyay ayaa toddobaadkan sheegtay...

Ciidanka xooga dalka ayaa burburiyay fariisimo Alshabaab  ku lahayd  Ceel biyoodyo ku yaalla magaalo Dalxiiseedka Budbud ee Gobolka Galgaduud. Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad Kornayl Saneey Cabdulle ayaa sheegay in Alshabaab ay ugu galayaan Gododka iyo Geedaha ay ku dhuumaaleeysanayaan. Taliyaha ayaa sheegay Intii uu socday howlgalka Ciidamada ay  bixiyeen Miinooyin...

Wararka  ka imanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay lagu dilay Magaaladaas Nin ganacsade ahaa . Wararkaa ayaa sheegaya in ganacsadaha la dilay lagu magacaabi jiray Jaamac Cilmi Kadiye oo loo yaqaano (Jaamac Qaxoonti) kana mid ahaa ganacsatada waaweyn ee magaalada Laascaanood oo lagu dilay isla magaaladaasi, Hase ‘ahaatee ‘ dilka...

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la qaatay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni, kulan hordhac u ah shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.  Madaxweynaha ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka...

Ciidanka xooga dalka oo kaashanya dadka degaanka ayaa howlgallo ay saacadihii la soo dhaafay fuliyeen ayay gacanta ku dhigeen ku dhowaad 10 tuulo oo hoostaga Dagmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab. Taliyaha Guutada 4aad ee qaybta 27aad ee Ciidanka xooga dalka Kornayl Saneey Cabdulle oo hogaaminaya howlgalka ayaa...

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka, Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in is baddel wanaagsan oo muuqda oo dhanka Amniga ah uu ka jiro Magaalada Muqdisho. Axmed Fiqi ayaa sheegay in qofka raba in uu dareemo isbaddelkaas in marka hore uu ka baxo Magaalada Muqdisho isla markaana uu tago deegaannada duleedka ka ah Caasimadda xiligaasna...

Taliska Boosliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay dhaqan-gelinayaan amarkii dhowaan kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu mamnuucayay in magaalada Muqdisho lagu dhex qaato hubka waaweyn. Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin ayaa sheegay in weli siyaasiyiinta iyo mas’uuliyinta dowladda aysan u hoggaansamin ammarkii Madaxweynaha...