Midowga Dhaqaatiirta Suudaan: Ugu yaraan 27 ruux ayaa dhimatay waxaana dhaawacmay in ka badan 170 kale dagaalka maalintii labaad ka socda Khartuum.

by admin | Sunday, Apr 16, 2023 | 320 views

Bayaan kasoo baxay midowga Dhaqaatiirta Suudaan ayaa lagu faahfaahiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka maalintii labaad oo xiriir ah Magaalada Khartuum ku dhexmaraya Ciidamada Dowladda & Xoogagga sida Militariga u tababaran ee RSF.

Kooxdan la magac baxday Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee Suudaan ee loosoo gaabiyo RSF ayaa ku dhawaaqday in ay gacanta ku dhigtay xarumaha muhiimka ah inkasta oo sheegashadeeda waxba kama jiraan uu ka dhigay Taliska Militariga ah ee Afgambiga ku qabsaday.

Midowga Dhaqaatiirta Suudaan ayaa sheegay in ugu yaraan 27 ruux ay ku dhinteen Dagaalka ka socda Khartuum halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 170 qof waase suuragal in khasaaraha uu intaas ka kordho maadaama dagaalka uu weli socdo.

Jug xooggan ayaa saakay laga maqlay Bartamaha Magaalada Khartuum ee Suudaan, waxaa sidoo kale marka kor laga eego Caasimadda muuqanaya Uuro Cirka isku shareertay oo ka dhalatay hubka culus ee la isu adeegsanayo.

War kasoo baxay Militariga Suudaan ayaa Shacabka loogu baaqay in ay guryahooda joogaan illaa inta laga soo gabagabeynayo howlgallada ka dhanka ah Kooxda la magac baxday RSF (Ciidamada Gurmadka Degdega ah ee Suudaan) oo duqeyn lagu hayo.

Ciidamada Cirka Suudaan oo adeegsanaya Hub culus iyo Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa duqeyn ku beegsanaya meelaha ay ku sugan yihiin kooxahaan u muuqda in ay isku dayeen afgambi ay ku sameeyaan maamulka talada haya.

Militariga Afgambiga ku qabsaday Awoodda Suudaan Bishii Oktoobar 2021 ayaa marar badan ka badbaaday isku dayo lagu sameeyay in talada lagala wareego waxaana la xiray saraakiil ku eedeysan in ay sameeyeen isku dayga Afgambigaas.

Like it? Share it!

Leave A Response