Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Magaalada Laascaanood ayaa 48dii saac u dambeeyay martigelisay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka ee la magac baxay SSC waxaana ka dhashay khasaara dhimasho, dhaawac & Barakac horleh. Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalladii u dambeeyay ee Laascaanood ka dhacay ayaa loo qaaday Magaalada Garoowe xarunta DG Puntland si haddii daryeel...

Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waabari ayaa howlgal ay sameyeen kadib gacanta ku dhigay labo eedaysane oo dhac ka gaysanayey Gudaha degmada Waaberi ee Gobalka Banaadir. Eedaysanayaasha ayaa mid kamid ah wuxuu ku hubaysnaa bastoolad Caag ah oo uu dadka ku dhacayay, halka kan kalana uu ahaa darawalka Mooto Bajaajka wax lagu dhacayay. Taliska Qeybta guud ayaa sheegay...

Magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan waxaa ka dhacay fal ay dadka aad uga arga gaxeen kadib markii wiil dhalinyaro ahaa uu isku dal dalay xaafada howlwadaag ee magaalada baladweyne. Warar ay heshay warbaahinta ayaa waxa ay sheegayaan in wiilkaan dhalinyarada ahaa uu isku dilay kadib markii qilaaf soo kala dhaxgalay qoyskiisa. xogaha qaarne waxaa ay sheegayaan...

Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeya Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay nin sixir ku dhici jiray shacabka magaaladaasi. Ninkan lagu magacaabi Xamse Yuusuf Maxamed ayaa Booliska uu sheegay in qaab sixir ah uu ku dhacay hanti fara badan, isla-markaana dabagal dheer kadib lasoo qabtay. “Ciidanka Booliska JSL gaar ahaan saldhiga dhexe iyo qaybta xuuraanka...

Mas’uuliyiin katirsan DG Hir-Shabeelle ayaa soo jeediyay digniin xooggan oo la xiriirta cabsi laga qabo in fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle ee mara Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedkaas. Webiga oo biyo yaraa maalmo kahor ayaa biyo badan keenay kaddib markii uu curtay Roobka Guga, taasi waxa ay dhalisay cabsi xooggan oo la xiriirta in uu karkaarada...

Somaliland oo ka jawaabaysa walaacii Maraykanka ee colaada Laascaanood, ayaa sheegtay in ay samaysay waxkasta oo nabad lagu gaadhi lahaa, lakiinse ay xoogaga kasoo horjeeda diideen talaabo kasta oo nabadeed. War-saxafadeed kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay beesha caalamka la qabto walaaca laga muujinayo sii socoshada...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar xalay ka dhacay duleedka magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed. Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka lagu magacaabo Makuude oo qiyaastii todobo KM dhanka koonfurta ka xiga magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay ku dileen...

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa shaaciyey in Galmudug ay dhawaan marti geli doono shirka golaha wadatashiga qaranka oo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay isugu tagaan. “Bisha shanaad dhamaadkeeda waxaan marti geli doonaa shirka golaha wadatashiga qaranka oo dabajooga kii Baydhaba lagu qabtay, marka Madaxdu waxay uga hadli doonaan...

Bankiga adduunka ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay inay gaartay horumarro si dalka uu u noqdo mid u qalma in si buuxda looga cafiyo deymaha iyadoo la raacayo Hindisaha waddamada deymaha badan lagu leeyahay (HIPC). Dhowrka bilood ee soo socda ayuu Bankiga Adduunka sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan dowladda iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), si ay Soomaaliya...

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maalintii Khamiista ansixiyey codsigii dalka Finland ee ka mid-noqoshada Gaashaan Buurta NATO. Dhammaan 276 xubnood ee Baarlamaanka Turkiga ayaa u codeeyey in Finland loo ogolaado xubinimada NATO. Dhowr maalin ka hor ayuu dalka Hungary ogolaaday in Finland ka mid noqoto xubnaha NATO. Xoghayaha Guud ee Gaashaan Buurta NATO Jens Stoltenberg...