Waa sidee xaaladda Dadkii ku dhaawacmay dagaalladii ugu dambeeyay ee Laascaanood ka dhacay?

by admin | Sunday, Apr 2, 2023 | 111 views

Magaalada Laascaanood ayaa 48dii saac u dambeeyay martigelisay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland & Dadka deegaanka ee la magac baxay SSC waxaana ka dhashay khasaara dhimasho, dhaawac & Barakac horleh.

Qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalladii u dambeeyay ee Laascaanood ka dhacay ayaa loo qaaday Magaalada Garoowe xarunta DG Puntland si haddii daryeel ku filan ay u waayaan loogu soo qaado Magaalada Muqdisho.

Ilo deegaanka ah ayaa ayaa Mustaqbal u xaqiijiyay in dadka ku dhaawacmay Dagaalladii ugu dambeeyay ee Laascaanood ka dhacay ay ku dhaw yihiin 20 ruux, kala bar dadkaas waxa ay waxyeellada ugu badan kasoo gaartay hubka culus ee qoryaha waaweyn.

Saraakiil katirsan kooxaha Gargaarka degdega ah ayaa sheegay in ay qaadeen dad dhaawacyo kala duwan soo gaaray si ay u helaan daryeel caafimaad, waxa ay ku wareejiyeen Isbitaallada si loogu daweeyo dadkaas.

Somaliland & SSC labaduba dhinacna toos uma sheegin waxyeellada gaartay iyo midda uu geystay balse dhinac weliba waxa uu sheeganayaa in uu Maxaabiis qabtay isla markaana guullo ka gaaray dagaalkaas.

Magaalada Laascaanood xiligaan dagaal toos ah kama socda balse Dhinacyada dagaalamay ayaa weli is hor fadhiya mana jirto xabbad-joojin rasmi ah oo la kala dhex dhigay ama ay wada gaareen labada dhan.

Like it? Share it!

Leave A Response