Al-Shabaab oo la sheegay inay gubeen Guryo ay lahaayeen Dad Shacab ah

by admin | Sunday, Apr 2, 2023 | 172 views

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in saaka ay dab qabadsiiyay guryo dad shacab ah leeyihiin oo kuyaalla Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug , waxaana ka dhashay burbur hantiyadeed.

Mas’uuliyiinta Maamulka Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha Booliska oo gaaray deegaanka ay sheegeen in guud ahaan ay bur bureen Guryihii ay lahaayeen dadka Shacabka ahaa.

Guddoomiye kuxigeenka Magaalada Baxdo iyo Saraakiisha Booliska Baxdo iyo degaanka Bijeele ayaa sheegay in u jeedka ay Al-Shabaab u gubeen guryaha degaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug ay tahay sidii ay bulshada isaga horkeeni lahaayeen.

Waxaa ay sheegeen in maleesiyo Beeleedyo ay soo abaabuleen Al-Shabaab ay ka dambeeyeen gubida Guryaha, isla markaana, isla markaana ay doonayaan inay ku hagal daaciyaan dagaalka ka dhanka ah ee ka socda dalka.

Majirto cid madax bannaan oo xaqiijineysa warka kasoo baxay Maamulka degmada Baxdo iyo laamaha Amniga degmadaas eek u aadan in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay gubeen guryo dad shacab ah leeyihiin oo kuyaalla Deegaanka Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Like it? Share it!

Leave A Response