532-ruux oo Tahriibayaal Soomaali ah oo 90-Cisho gudahood isaga kala gudubtay xadka ay wadaagaan Panama & Colombia.

by admin | Sunday, Apr 2, 2023 | 147 views

Daraasad lagu sameeyay Tahriibayaasha daneynaya in ay gaaraan Mareykanka ee safarka dheer u galay in ay isaga kala gudbaan Koofurta illaa Waqooyiga Ameerika ayaa muujineysa in saddexda bil ee ugu horreeya 2023 ee kala ah Janaayo, Febaraayo & Maarso in Xadka ay wadaagaan Panama & Colombia ay ka gudbeen 87,390 (Siddeetan & todobo kun, saddex boqol, iyo sagaashan ruux) oo dalal kala duwan u dhashay.

Keymaha khatarta badan ee Darién jungle ayay dadkaan isaga kala gudbeen iyaga oo wajahaya xaalado adag oo dhanka nolosha ah sida waqti dheer oo ay ku dhex socdeen keymahaas halista badan sida lagu sheegay daraadda lasoo bandhigay.

Dhalashada Dadkaan ayaa lagu kala sheegay: 532-ruux oo Soomaali ah, 23,640 qof oo u dhashay Haiti & Ecuador, 14,227 ruux oo China u dhashay, 3,855 qof oo reer India ah, 2,543 waa reer Chile, 2,230 qof oo Colombian ah, 2,230 ruux oo reer Brazil ah, 2,072 waa muwaadiniin Afghanistan u dhashay, 926 qof waxa ay kasoo jeedaan Cameroon, 444 oo qof waa reer Peru waxaana intaas dheer muwaadiniin kale oo aan lasoo bandhigin dhalashadooda.

Xafiiska Waaxda adeegga Qaranka ee soogalootiga ee (SNM) ayaa bayaan uu soosaaray ku sheegay in ay jiraan warbixinno kale oo muujinaya kororka dadkaas oo tirada la shaaciyay kasii badan kara haddii aanay waxba laga qaban waa sida uu hadalka u dhigay.

Mareykanka ayaa sheegay in uu xal u raadinayo xakameynta qulqulka soogalootiga u boors xirxirtay sidii ay u gali lahaayeen Dalkaas oo ay aaminsan yihiin in ay ku helayaan nolol uga wanaagsan midda ay ku heystaan dalalkooda.

Qaramada Midoobay ayaa dhowaan sheegtay in sababta kordhisay tahriibayaasha ay tahay dhibaatooyinka cunno la’aanta, shaqo la’aanta & dhaqaale xumada ka jirta dalalka dadka tahriibka galaya oo naftooda halista ay la kulmeyso ka door-bidaya ku noolaashiyaha Dalalkooda.

Like it? Share it!

Leave A Response