Hir-Shabeelle, Cabsi laga qabo fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle oo ka taagan Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.

by admin | Saturday, Apr 1, 2023 | 205 views

Mas’uuliyiin katirsan DG Hir-Shabeelle ayaa soo jeediyay digniin xooggan oo la xiriirta cabsi laga qabo in fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle ee mara Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedkaas.

Webiga oo biyo yaraa maalmo kahor ayaa biyo badan keenay kaddib markii uu curtay Roobka Guga, taasi waxa ay dhalisay cabsi xooggan oo la xiriirta in uu karkaarada jabsan karo isla markaana uu saameyn taban dhalin karo.

Saraakiil katirsan Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Hir-Shabeelle iyo Dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa wadajir u sheegay in fatahaadda haddii aan laga hortagin in waddooyinka ay go’I karaan.

Waxa ay intaas ku dareen in haddii waddooyinka ay isu socodkooda joogsadaan in howlgallada ay istaagi karaan balse waxa ay soo jeediyeen in la sameeyo kahortag oo la adkeeyo meelaha uu webiga karkaarada ka jabsan kara.

Webiga Shabeelle ayaa saameynta ugu badan waxa uu geystaa marka uu fatahaad sameeyo, waxaa loo sababeeyaa in aanay jirin meelo lagu keydiyo biyaha marka uu buux dhaafiyo si dib loogu isticmaalo marka uu biyo yareeyo.

Isku dayo kala duwan oo lagu xakameeyo fatahaadda Webiga Shabeelle ayaa laga sameeyay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan & Degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha dhexe balse ma baajin welwelka dadka ay qabaan.

Like it? Share it!

Leave A Response