Nin sixir hanti badan uga dhacay magaalada Hargeysa oo lasoo qabtay

by admin | Sunday, Apr 2, 2023 | 111 views

Ciidamada Booliska Somaliland oo howlgal ka sameeya Hargeysa ayaa gacanta ku soo dhigay nin sixir ku dhici jiray shacabka magaaladaasi.

Ninkan lagu magacaabi Xamse Yuusuf Maxamed ayaa Booliska uu sheegay in qaab sixir ah uu ku dhacay hanti fara badan, isla-markaana dabagal dheer kadib lasoo qabtay.

“Ciidanka Booliska JSL gaar ahaan saldhiga dhexe iyo qaybta xuuraanka oo is kaashanaaya ayaa gacanta ku soo dhigay Eedaysane Xamse Yuusuf Maxamed oo qaab sixir ah dadka uga dhacaayay Hantidooda” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska Booliska.

Xamse Yuusuf oo ah eedeynaha lasoo qabtay ayaa laga soo xiray hoteel ku yaalla bartamaha Hargeysa, waxaana lasoo bandhigay Baastoolad, Dahab iyo Maar isku jira, Geed sixir ah moobeelo iyo agabyo kale oo yiilay qolka uu ka daganaa hoteelka.

“Eedaysanahan oo mudo ku dabo jireen ciidankan Boolisku waxay so qabteen isagoo ku sugan mid ka mid ah huteelada magaalada Hargeysa oo uu daganaa mudo laba sano ah, waxaana isla gobtii lagu tagay Baastoolad,Dahab iyo Maar isku jira,Geed sixir ah, 17 mobile oo noocaya yar yare ee dan ka hadasha ah,5 xabo oo nooca smart phone ka ah, 27 shanadood oo nooca dumarku gacanta ku qaataan, Aqoonsiyo kaadhka dhalashada Somaliland Iyo Document kale,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ee taliska Booliska.

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in ninkan uu muddo labo sano ah daganaa hoteelka laga soo qabtay, taas oo dad badanla yaab ku noqotay.

Like it? Share it!

Leave A Response