Hay’addaha Amniga iyo Maamulka gobolka Banaadir oo bogaadiyay Hawlgallada lagu sugayo Amniga Muqdisho

by admin | Sunday, Apr 16, 2023 | 247 views

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiir Dowlaha Wasaarada Amniga Qaranka, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaha qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska ayaa xalay kormeeray Degmooyinka dhaca duleedka Muqdisho.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa u kuurgalida xaalada amniga Caasimadda iyo xoojinta wada shaqeynta laamaha Amniga, maamulada degmooyinka iyo bulshada, waxaana goobaha la kormeeray kamid ahaa Degmooyinka xiga galbeedka ee Muqdisho gaar ahaan Saldhiga cusub ee Degmada Kaxda iyo Saldhig Galbeed ee Degmada Dharkeenley halkaas oo ay ku diyaarsanaayeen ciidamo isku dhaf ah oo loo diyaariyay xasilinta Caasimadda.

Madaxda Hay’addaha Amniga iyo maamulkaa gobolka Banaadir ayaa bogaadiyay Hawlgallada ka socda Magaalda Muqdisho ee Amniga lagu sugayo.

Like it? Share it!

Leave A Response