Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Kadib markii Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye ( Qoor Qoor) uu dhawaan u yeeray Xildhibaannada labada Aqal ee Galmudug laga soo doorto ayuu xalay kulan waxaa uu kula yeeshay madaxtooyada Magaalada Dhuusamareeb. Kulanka oo ahaa mid is xogwareysi ah ayaa Madaxweyne Qoor Qoor wuxuu kala hadlay Xildhibaannada inay Midoobaan, isla markaana ay si dhab ah ugu adeegaan...

Ku simaha Taliyaha Booliska Degmada Baledweyne Bashiir Cadaani  ayaa sheegay in Qaraxyadii xalay ka dhacay Baledweyne uu fuliyay ruux soo xertay Jaakad kasameysan walxaha Qarxa iyo sidoo Kale Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa. Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Goobta ay ka dhaceen qaraxyada ayaa waxaa uu sheegay in sirasmi ah aysan weli u ogeyn khasaaraha dhimasho...

 Ugu yaraan lix qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen booliska. Afhayeenka booliiska Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in lixda qof ay shan ka mid ah yihiin ajaanib, islamarkaana uu ku jiro askari ka tirsan ciidamada AMISOM. Qofka lixaad ayaa ah Soomaali.  Waxa uu...

Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socota doorashada Kursiga Hop#063 oo ay ku tartamayaan laba musharrax oo kala ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid & Maxamed Daahir Aadan.. Doorashada ayaa soo martay wareega koowaad iyo wareega labaad, balse haatan loo gudbayo wareega Saddexaad kadib markii wareega labaad ay kala heleen musharixiinta min 50...

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#063 ayaa weli ka socota magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo ay ku tartamayaan illaa sagaal musharrax oo uu ku jiro wasiir hore Cabdullaahi Goodax Barre. Tartanka oo ah mid culus ayaa waxaa lasoo gabagabeeyey weerarkii koowaad, iyada oo wareega labaad ay u gudbeen labada musharrax ee ugu codka badan. Goodax Barre...

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow koox hubeysan ay weerar ku qaadeen qaybo ka mid ah xerada Xalane oo uu ku dhex yaallo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay garoonka kasoo weerareen dhanka iskuul Buluusiya, gaar ahaan hotel hku yaal afafka hore ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Iska...

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulamo kala duwan la qaatay masuuliyiinta sare ee Bangiga Adduunka iyo Hey’adda IMF. Mas’uuliyiinta uu Wasiirka la kulmay ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha guud ee Maamulka IMF Kristalina Georgieva iyo Madaxweyne ku...

Bilihii la soo dhaafay waxaa aqabad xoogan ay ka taagneyd dhameystirka doorashada qof iyo cod  saddex kamid ah degmooyinka degaannada Puntland, hayeeshee Puntland ay sheegtay in xal laga gaaray lana dhameystirayo. Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka hadlayay Kulan ka dhacay xarunta cilmi-baarista PDRC ee Magaalada Garoowe ayaa sheegay...

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa gaadii ay wateen Ciidamo katirsan kuwa Itoobiya ee kamid ah AMISOM lagula eegtay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa kadib ay ciidamada itoobiya fureen rasaas farabadan balse wax khasaaro ah kasoo gaarin dad Shacab...

Labo dumar ah oo macallimiin ka ahaa dugsi ku yaalla magaalada Maalmo ee dalka Sweden ayaa booliiska magaaladaasi xaqiijiyeen in arday dugsiga dhigta uu dilay. Masala Booliska Magaalada Maalmo ayaa sheegtay in kiiskaan uu yahay mid cusub hayeeshee ay dib faah faahin ka bixin doonaan. Weli lama shaacin sababta uu Ardayga u dilay Macalimiintiisa, balse dabaqa Sare ee Iskuulka...