Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaloya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa kula kulmay Xarunta Jaamacadda Carabta ee Magaalada Qaahira Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Danjire Ilyas Sheikh Omar, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ee Jaamacadda Carabta. Kulanka...

Guddiga hurgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka Doorashada Saddex kamid ah kuraasta ugu adag, kuwaas oo doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 9 Bishaan ilaa 10-ka la qaban doono Shaqada ah shaacinta Guddiga xulista Ergada, tababarista Ergada...

Water deg deg ah oo naga soo gaaray Baladweyne ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka qarxay magaalada. Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa aaga madaxtooyada Baladweyne iyo Lamagalaay. Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamo taabacsan Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed iyo ciidan daacad u ah qaar kamid ah musharaxiinta Xildhibaanimo. Ciidamada Labada dhinac...

Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah lagu lunsaday heshiis khiyaano ku dhisan oo dhex-maray saraakiil ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo ganacsato. Warbixin uu soo saaray xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay “in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho...

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa lagu arkay meelo kamid ah Ciidamo ka gadoodsan in kursi kamid ah Golaha Shacabka loo xiray musharrax gaar ah, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan. Ciidamada oo wata hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkay gudaha Magaalada Beledweyne, iyaga oo sheegayay in marnaba aysan aqbaleyn in kursiga Hop#010 loo xiro musharrax...

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur galbeed ayaà maanta magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ku diiwaangelinaya musharrixiinta lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka. Guddiga ayaa 4-tii Bishaan shaaciyay liiska lixda kursi ee Maalinta berito ah doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Baydhabo, kuwaas oo kala ah. 1: Hop#261 oo uu ku fadhiyo...

Ciidanka booliiska magaaladda St. Paul ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan oo ay xabsi u taxaabeen labaddii nin ee dhaca u geystay masaajidka Al-Ihsan ee ku yaala 955 Minnehaha Ave. West. Booliska ayaa soo bandhigay Magacyada iyo Sawirada laba rag ah, kuwaas oo lagu kala magacaabo  Jeremy Allen Glass oo jira 32 sanno jir ah iyo...

Xerada Ciidamo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ku leegihiin Garoonka diyaaradaha degmada Garbahaareey ayaa waxaa shir ku yeeshay Saraakiisha Ciidamada AMISOM,  kuwa dowladda Soomaaliya & Maamulka degmada. Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa isku dayay inay geeyaan degmada Garbahaareey wafsiga Guddiga Qiimeynta xaalada degaan doorasho ee Jubbaland ee loo...

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku tageen Xarunta Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee caasimadda Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaayo. Agaasimaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Ciidamada Puntland gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta heerarkooda kala duwan uga tacsiyadeeyay Shilka Gaari ee Ciidamadu ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe, kaas oo ay ku geeriyoodeen Lix Askari oo ka tirsanaa ciidamada. ” Waxaana si gaar ah Tacsi ugu dirayaa Taliyaha Ururka Afraad ee Dayax...