Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Kismaayo

by admin | Monday, Mar 7, 2022 | 365 views

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku tageen Xarunta Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee caasimadda Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaayo.

Agaasimaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ku soo dhaweeyay Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta dhaqaalaha Jubbaland Mudane Xuseen Xersi Axmed, wasiirka Amniga gudaha Jubbaland General Yuusuf Xuseen Dhuumaal, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Mudane Cabdullaahi Dhubad Shiil, Gudoomiyaha Gobolka jubada hoose Mudane Cabdirashiid Cabdullaahi Cali, K/xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed, Agaasimaha Laanta 2aad Mudane Ibraahim Xasan Ismaaciil iyo Saraakiisha HSJ ee Degmada Kismaayo.

Safarka shaqo ee Agaasimaha Guud ee Hay’adda ayaa ujeedadiisu tahay kormeerka Xafiisyada Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Caasimadda dowlad goboleedka Jubaland ee Magaalada Kismaayo iyo u kuur galka caqabadaha iyo horumarada shaqo ee ka jiro Laanta 2aad ee Hay’adda.

Like it? Share it!

Leave A Response