Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay askartii Shilka ku geeriyootay

by admin | Monday, Mar 7, 2022 | 447 views

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Ciidamada Puntland gaar ahaan Ciidamada Daraawiishta heerarkooda kala duwan uga tacsiyadeeyay Shilka Gaari ee Ciidamadu ku galeen inta u dhexeysa Qardho iyo Garoowe, kaas oo ay ku geeriyoodeen Lix Askari oo ka tirsanaa ciidamada.

” Waxaana si gaar ah Tacsi ugu dirayaa Taliyaha Ururka Afraad ee Dayax ee Ciidamada Daraawiishta Puntland G/Sare Mubaarik Maxamed Warsame iyo Saraakiisha kale ee Ciidamadaasi oo aan uga tacsiyeynayo geerida AHUN Kabtan Khadar Cabdi Jalfis iyo Shan Askari oo kale oo shilkaasi ku geeriyooday ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Ciidamadeenu waa laf-dhabarteena, inaga ayeeyna inaga wada baxeen, Alle janadii ha geeyo Askarta geeriyootay inta dhaawaca ahna alle ha u boogga dhayo, eheladii iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeena alle Samir iyo iimaan ha kasiiyo.

Like it? Share it!

Leave A Response