Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 67xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaa u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 71 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa...

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxaa ay u codeeyeen Muddo-kordhin loo sameeyey Hawlgalka QM ee Taageeradda Somalia. 15-ka Xubnood ee Golahaasi waxay isku raaceen in UNSOM muddo 9 bilood loogu kordhiyo xilli hawleedkooda oo ku ekaan lahaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay 31-ka August ee sanadkan 2021-ka. Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM oo ay u...

Magaalada Hargeysa waxaa Maanta oo Talaado ah kulan ku yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland, iyaga oo ansixiyay Xeeray ay u soo gudbiyeen 16 kamid ah Xubnaha Golaha Wakiilada. Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 60 mudane, waxaana Golaha ay ansixiyeen xeerka shaqaalaha Dawlada iyo xeerka sahaminta...

Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa mar uu ka hadlayay shir loo qabtay qaybaha kala duwan ee haweenka magaalada Jigjiga ka hadlay arrinta sicir bararka oo ahayd mid muddooyinkii u dambaysay degaanka saamayn wayn ku yeelatay. Haddaba ugu horeyn Madaxweynaha ayaa xusay in sicir bararku uu keenay arrinta dalka ka jirta iyo colaadaha ka soconaya waqooyiga...

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, oo u jawaabay Sheekh Cabdirisaaq Jiir, oo codsaday in lasii daayo Cabdi Maalik Muuse Coldoon, ayaa sheegay in xukuumadu diinta ilaalinayso qofkii khaldamana la xidhi karo. Sheekh Jiir oo kamid ah culimada kulan diimeedyadu uga socdaan Somaliland ayaa yidhi “Waa nala dhibay dadkii ayaa na leh...

Taliska Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay soo bandhigeen Sarkaal ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay sheegeen in uu isku soo dhiibay Ciudanka xooga dalka Soomaaliyeed. Cali Ibraahim oo mudo dheer Al-Shabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Gorgor ee Galmudug ka howlgala kadib markii sida uu...

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dalka Turkiga kaga qeyb galay Munaasabad Tababar loogu soo xirayay saraakiil ka qalin Jabisay Akadeemiyadda Ciidanka ee Jaamacadda Difaaca Qaranka ee Dalka Turkiga oo ay ka mid yihiin Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka. Waxaa munaasabadda ka qeybgalay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep...

Rag ku hubeysnaa bustoolado ayaa xalay waxaa ay degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir ku dileen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda gaar ahaan Millateriga, kuwaas oo ku sugnaa qeybo kamid ah degmadaas. Askarta la dilay oo laba ahaa ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Axmadeey Gadaf iyo Sakariye Cali Aadan, kuwaas oo siweyn looga yaqaanay degmada Kaaraan, isla markaana...

Meydka Xamsa Maxammed, oo ku dhintay is -rasaaseyn dhexmartay booliska iyo isaga, ayaa lagu aasay magaalada Dar es Salaam habeenimadii Axadda.Meydka ayaa la aasay kadib markii la geeyay Masjidka Mamuur ee Upanga ee Dar es Salaam halkaas oo loogu tukaday salaadda Janaasada. Sida uu qoray wargeyska Mwananchi, meydka ayaa markii hore la filayay in la aaso 7 -da fiidnimo balse...

Duqa Degmada Gaalkacyo  Cabdirahman Sheekh Xasan ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay xoojinta Amniga Magaalada Gaalkacyo kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Saraakiisha ugu Sarreeysa Taliska Qeybta Booliska Gobalka Mudug, Kan Degmada Gaalkacyo iyo Taliska Nabad Sugida. Kulanka ayaa intii uu socday ayaa la iska xog wareystay guulaha laga gaaray la dagaalanka Al-Shabaab...