Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Baarlamanka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa maanta oo Axad ah magaaladda Baydhabo ku doortay 3 Senator oo maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya. Kursiga 1aad Kursiga 1aad ee doorashada Aqalka sare dowlad gobaleedka Koonfur galbeed, waxaa ku tartamay wasiirka Difaaca xukumadda Faderaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan...

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Galmudug ee ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kusoo qabteen laba wiil Dhalinyaro ah, kuwaas oo shalay Maclinkoodii  Dugsiga Qur’aanka ku diley degaanka Laan-kadawo 25 KM u jira Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Mudug. Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in soo qabashada dhalinyaradaan ay gacan ku siiyeen Bulshada...

Xalay waxaa Kulan Albaabada ay u xiran yihiin Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Beledweyne ku yeeshay Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaasiyiin kala duwan iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka 10-aad ee waqtigooda dhammaaday oo shalay gaaray magaalada Beledweyne. Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa tabasha laga qabo dhismaha labaad...

Guddoomiyaha Urrurada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin sida ay ku bilaawdeen doorashooyinka dalka, kuwaas oo uu sheegay inay dhibaato ku noqon doonto dowladda soo socota. Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in sida ay u dhaceen doorashooyinka Aqalka sare ay yihiin kuwo billow u ah musuq maasuq baahsan oo ay...

Saraakiisha dalka Cameroon ayaa sheegay in boqolaal qof ay ka qaxeen xuduudda waqooyi ee ay la wadaagaan dalka Chad, kaddib markii dagaal ka dhashay biyaha webiga uu dhexmaray xoolaleyda iyo kalluumeysato, kaas oo ay ku dhinteen 18 qof 70 kalena ay ku dhaawacmeen. Dhaawacyada ayaa loola cararay isbitaallada ku yaal Kousseri, oo ah magaalo ku taal xadka Cameroon iyo caasimadda...

warbaahita ayaa heshay codad sir oo ku aadan xubno ka mid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle oo ka cabanaya mushaar la’aan xoogleh oo ay wajahayaan muddo ka badan hal sano. Codadkaan oo la duubay bishii Ramadaanka, ayey wasiiradu ku dalbanayeen in bishaas uu maamulka u fidiyo gacan naxariis leh, maadaama aysan wax lacag ah qaadan muddo aad u dheer, sida ay sheegeen. Sidoo...

Qaar badan oo ka mid ah Yuhuudda ku nool dalka Maraykanka ee ka shaqeeya siyaasadda ayaa cambaareeyay weeraro iyo beegsi ay ururka Yahuudda Mareykanka ee AIPAC ay ku qaadeen Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka, waxayna ku boorriyeen kooxda inay joojiyaan ololahooda xayeysiiska ah. Warqad la daabacay khamiistii ayaa lagu sheegay in dadkaan kasoo jeedo Yahuuda ay sidoo...

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntlamd ayaa howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Bosaaso ee caasimadda Ganacsiga ee Gobalka Bari. Howlgalkan ayaa ujeedkiisu saraakiisha Ciidamada waxaa ay ku sheegeen in uu ahaa adkeynta amniga magaalada iyo ka hortagista falalka dhibaatada ku ah Bulshada. Inta uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen...

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay ka dhacdo doorashada Saddex kursi oo ka harsan Sideeda kursi ee Aqalka Sare ku matala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Labadii Bishaan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo lagu doortay Shan kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka Sare ku matala Koonfur Galbeed, waxaana Maanta lagu wadaa in...

Labo nin oo dhalinyaro ah ayaa lagu diley saaka xaafada Gubta ee degmada Deyniile kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen burcad dadka dhac u geysanayay. Iskahorimaad hubeysan oo dhex maray raggan iyo ciidamo aan la sheegin halka ay ka tirsanaayeen ayaa lagu diley labadan ruux halka mid kale gacanta lagu dhigey. Meydadka labada nin ee la dilay ayaa in mudo ah yaalay goobta...