Howlgal dad lagu qabtay oo laga sameeyay Boosaaso

by admin | Sunday, Aug 15, 2021 | 269 views

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntlamd ayaa howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Bosaaso ee caasimadda Ganacsiga ee Gobalka Bari.
Howlgalkan ayaa ujeedkiisu saraakiisha Ciidamada waxaa ay ku sheegeen in uu ahaa adkeynta amniga magaalada iyo ka hortagista falalka dhibaatada ku ah Bulshada.

Inta uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga, Hoteelada iyo guryaha sidoo kale dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.
Taliyaha Qeybta Boolisla Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada baaritaanana ay mari doonaan.
Sidoo kale inta uu howlgalka socday ayaa Taliyaha iyo Ciidmada waxay bulshada ka wareesanayeen amniga iyo in ay jiraan kuwo dhibaato u geeysta shacabka balse bulshada ayaa Taliyaha ku amaanay xaqiijinta amniga oo habeen iyo maalin ay u taagan yihiin ciidamada Booliska oo gaaf wareegaya xaafadaha suuqyada iyo jidadka magalada Bosaaso oo gaadidika iyo dadka lagu baaro.
“Howlgallada Boosaaso waan sii wadi doonaa ilaa Magaalada aan ka ciribtirno argagaxiso iyo maandooriye si Bulshadeena ay ugu noolaadaan amni iyo xasilooni ayuu yiri” taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari.
Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-Shabaab iyo Daacish oo dagaal kula jira Maamulka Puntland.

Like it? Share it!

Leave A Response