Doorashada kuraas kamid ah Aqalka Sare oo Maanta ka dhaceysa Baydhabo

by admin | Sunday, Aug 15, 2021 | 257 views

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Axad ah ay ka dhacdo doorashada Saddex kursi oo ka harsan Sideeda kursi ee Aqalka Sare ku matala Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Labadii Bishaan ayaa waxaa Magaalada Baydhabo lagu doortay Shan kursi oo kamid ah 8 kursi ee Aqalka Sare ku matala Koonfur Galbeed, waxaana Maanta lagu wadaa in la dhameystiro 8 kursi ee Koonfur Galbeed ku leedahay Aqalka Sare.

Ilaa lix Musharax ayaa Maanta ku tartami doona Saddexda Kursi ee doorashadooda ka dhaceysa Magaalada Baydhabo, waxaana u sharaxan ilaa lix musharax, kuwaas oo marka hore khudbadahooda musharaxnimo jeedin doona, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.
1: Xasan Xuseen Xaaji oo ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2: Cali Sheekh Maxamuud Gacal
Cabdiqadir Cabdi Axmed
3: Cabdiwali Maxamed Ibraahim (Xaabsade).
Cabdullaahi Roobow Maxamed
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona Maamulkii labaad ee dhameystira doorashada Aqalka Sare, waxaana kasii horreeyay Maamulka Puntland oo dhamaan doortay 11 Xubnood ee ku matala Aqalka Sare.
Sidoo kale Maamulka Jubbaland oo doorashada bilaabay ayaa doortay Afar Xubnood halka Maamulka Galmudug lix kursi ay doorteen una harsan yihiin laba kursi oo ay ku loolami doonaan siyaasiyiin saameyn ku leh degaannada Galmudug

Like it? Share it!

Leave A Response