Labo dhalinyaro ah oo lagu diley saaka magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Aug 14, 2021 | 262 views

Labo nin oo dhalinyaro ah ayaa lagu diley saaka xaafada Gubta ee degmada Deyniile kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen burcad dadka dhac u geysanayay.

Iskahorimaad hubeysan oo dhex maray raggan iyo ciidamo aan la sheegin halka ay ka tirsanaayeen ayaa lagu diley labadan ruux halka mid kale gacanta lagu dhigey.

Meydadka labada nin ee la dilay ayaa in mudo ah yaalay goobta lagu dilay, waxaana goobta ragaasi hubeesnaa lagu dilay isugu soo baxay dad badan oo qaarkood sheegeen in ay telfoono kasoo dhaceen.

Ciidamada booliiska saldhiga Dayniile ayaana lagu wareejiyay meydadka ragga la dilay iyo moobeeladii ay soo dhaceen, waxa ay sidoo kale ciidamada xireen ninkii kale ee burcada katirsanaa ee la qabtay.

Degmooyin badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira rag dhalinyaro ah oo dadka ka dhaca moobaylada iyo wixii fudud oo ay wataan

Like it? Share it!

Leave A Response