Siyaasiyiin & Xildhibaano bilaabay kulamo lagu xalinayo tabashada laga qabo Hir-Shabeelle

by admin | Sunday, Aug 15, 2021 | 255 views

Xalay waxaa Kulan Albaabada ay u xiran yihiin Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Beledweyne ku yeeshay Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaasiyiin kala duwan iyo Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka 10-aad ee waqtigooda dhammaaday oo shalay gaaray magaalada Beledweyne.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo wajihi lahaa tabasha laga qabo dhismaha labaad ee maamulka Hir-Shabelle maadaama la filayo in dhawaan Magaalada Beledweyne ay ka dhacdo doorashada Xidhibaannada Golaha Shacabka.

Siyaasiyiinta & Xildhibaannada ayaa waxaa la filayaa inay kulan la qaataan Odayaasha & waxgaradka Magalada Beledweyne, iyaga oo doonaya in xal laga gaaro tabashada laga qabo Madaxda Hir-Shabeelle.

Muddo kabadan 8-bil magaalada Beledweyne waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay dhismaha labaad ee Hirshabelle, balse siyaasiyiinta shalay Beledweyne s gaaray ayaa bilaabay dadaalo lagu soo afjarayo xiisadaas, isla markaana maalmo kooban gudahood ku xalliyaan tabasha beesha ay ka soo jeedaan siyaasiyiintaasi ay ka qabto maamulka Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response