Laamaha Amniga Galmudug oo gacanta ku dhigay Dhalinyaro dil geystay

by admin | Sunday, Aug 15, 2021 | 253 views

Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska Galmudug ee ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kusoo qabteen laba wiil Dhalinyaro ah, kuwaas oo shalay Maclinkoodii  Dugsiga Qur’aanka ku diley degaanka Laan-kadawo 25 KM u jira Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Mudug.

Ciidamada ayaa waxaa la sheegay in soo qabashada dhalinyaradaan ay gacan ku siiyeen Bulshada degaanka, isla markaana la geeyay Saldhiga Booliska Magalada Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Booliska Galmudug ayaa xaqiijiyay soo qabashada raggaas, iyaga oo sheegay inay baaritano dheeri ah ku hayaan, isla markaana dhawaan ay soo badnhigi doonaan.

Labada Dhalinyarada ah ayaa shalay Gelinkii dambe waxaa ku dileen Macalinkooda Dugsiga degaanka Laan-kadawo 25 KM u jira Magaalada Gaalkacyo, kadib markii isaga oo hurdaya ay madaxa Faas ama Misaar uga garaaceen.

24-kii Saac ee la soo dhaafay ayaa degaannada hoostaga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa aad looga hadal haayay dilka ay labada Dhalinyarada ah u geysteen Macalinkoodii Dugsiga Qur’aanka.

Like it? Share it!

Leave A Response