Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

laamaha Amniga Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa xiray ugu yaraan Afar siyaasi oo xilal waaweyn kasoo qabtay deegaanka Soomaalida, kuwaas oo lagu xiray xabsi ku yaal Magaalada Jigjiga. Siyaasiyiintan oo Addis Ababa laga soo qab qabtay ayaa diyaarad lagu soo qaaday, kadibna laga dajigey Magaalada Jigjiga, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga...

Maleeshiyaad hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe waxaa ay degaanka Bacda oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ku dileen laba Ruux oo kala ahaa hal Nin iyo Haweeneey halka laba kale ay ku dhaawaceen, iyaga oo goobta ka baxsaday. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dad yaqaanay waxaa ay sheegeen inay ahaayeen dad kala gudbin jiray gaadiidka isaga kala goosha Magaalada Beledweyne...

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka  Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa manta howlgal kula wareegay Saldhiga Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku lahaayeen aagga degaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug. Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Ururka Horseed Gaashaanle Maxamed Cali Salaad iyo Saraakiil kale waxaana dagaal kooban oo halkaas ku dhex maray...

Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhumaal ayaa waxaa uu umahad celiyey dhamaan intii ka qeyb qadatay xalintii shaqaaqadii yareyd ee ka dhacday degmada doloow ee Gobolka Gedo. Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa sidoo kale loogu mahad celiyay Odayaasha dhaqanka oo ugu horeeyo suldaanka ,maamulka degmada ,taliyaha  guutada...

Taliban ayaa maanta si buuxda gacanta ugu haysa magaalada caasimadda ah ee Kabul marka laga reebo garoonka diyaaradaha, kadib markii madaxweyne Ashraf Ghani uu dalka ka cararay. Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa maamulaya ciidamada Mareykanka, oo isku dayaya inay si nabdoon magaalada ugala soo baxaan muwaadiniintooda, shaqaalaha diblomaasiyadeed iyo Afgaaniyiinta la shaqeeyey. Ciidamo...

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)ayaa maanta Booqday Goobaha  loogu talo galay doorashooyinka ee Magaalada Beledweyne xilli ay ka socdaan dib u habeyn dhismo iyo qalabeyn maadaama la qorsheynayo doorashooyinka dhowaanka la filayo in dalka ay ka dhacaan lagu qabto. Madaxweyne ku xigeenka Goobaha uu booqday waxaa...

Kooxda Taalibaan ayaa ku dhawaaqday in dagaalkii Afghanistan uu dhammaaday kaddib markii ay la wareegtay xarunta madaxtooyada ee Kabul, iyadoo ciidamada Mareykanku hoggaaminayo ay baxaan dalkaas, isla markaana waddamada reer Galbeedku ay Isniintii isku raaceen inay daad gureystaan muwaadiniintooda. Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa dalkiisa ka qaxay Axaddii, markii Taaliban...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi oo hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Qaahira oo ah Caasimadda dalka Masar. Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa casuumad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Masar Cabdulfataax Alsiisi, isaga oo kulan la qaadan doono Madaxda dalkaas. Ra’iisul...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu shir guddoomiyay kulan ku qabsoomay habka fogaan aragga kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa isku raacay in ay kulan Muqdisho isugu yimaadaan Khamiista soo...