Ciidanka Daraawiishta Galmudug oo degaano la wareegay

by admin | Monday, Aug 16, 2021 | 304 views

Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka  Galmudug iyo kuwa degaanka ayaa manta howlgal kula wareegay Saldhiga Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku lahaayeen aagga degaanka Caad ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Ururka Horseed Gaashaanle Maxamed Cali Salaad iyo Saraakiil kale waxaana dagaal kooban oo halkaas ku dhex maray Ciidamada Daraawiishta iyo Al-shabaab.

Saraakiisha hogaaminaysa howlgalka  ayaa sheegay in dagaalka ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay burburiyeen Goobihii Al-Shabaab kasoo abaabili jireen weerarada.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgalkaan ayaa bilow u yahay wajiga labaad ee xoreynta degaanada Galmudug ay kaga sugan yihiin Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response