Madax kormeer Amni ku tagtay goob loo asteeyay doorashooyinka Golaha Shacabka

by admin | Monday, Aug 16, 2021 | 276 views

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed)ayaa maanta Booqday Goobaha  loogu talo galay doorashooyinka ee Magaalada Beledweyne xilli ay ka socdaan dib u habeyn dhismo iyo qalabeyn maadaama la qorsheynayo doorashooyinka dhowaanka la filayo in dalka ay ka dhacaan lagu qabto.

Madaxweyne ku xigeenka Goobaha uu booqday waxaa ka mid ah hoolasha loogu talo galay in lagu qabto doorashooyinka Xildhibaanada Aqalka hoose, xarunta Guddiga Doorashada ay degayaan, guryaha loogu talo galay ergada iyo hoolasha Shirarka.

Madaxweyna ku Xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) oo shalay gaaray Magaalada Beledweyne ayaa kulamo ka wada magaalada Beledweyne kulamadaasi oo uu la yeelanayo Saraakiisha ammaanka, iyo qeybaha kale duwan ee bulshada gobolka, iyadoo kulamadaasi looga hadlayo xoojinta Iyo xaqiijinta ammaanka doorashooyinka.

Like it? Share it!

Leave A Response