Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa sheegay in doorashadii dhawaan ka dhacday Galmudug ee Aqalka Sare ay jireen dad reer Galmudug oo u soo jeediyay dhaliilo kala duwan. Waxaa uu sheegay in doorasada ay aheyd mid dadban , islamarkaana ay ku socoto sidii dad baneyd ee loo baahan yahay in loo dul qaato. “Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dadban marka...

Dowladda Canada ayaa sheegtay inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan, xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan. “Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno,” ayuu Wasiirka...

Ergeyga QM ee Soomaaliya ayaa golaha ammanaka u sheegay in horumar laga gaaray heshiiskii u dhexeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo ujeedkiisu ahaa in la qabto doorashooyinka qaran ee dib u dhaca uu ku yimid. Laakiin Ergaygu wuxuu sheegay in loo baahan yahay dadaal dheeri ah si loo xaqiijiyo amniga doorashada iyadoo la eegayo halista joogtada ah ee ka...

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa ka hadlay natiijada doorashada Aqalka Sare ee maalintii shalay ka dhacday Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, iyadoo lagu doortay 6 sanator oo kala ah:- 1. Saciid Siyaad Shirwac 2. Yuusuf Geelle Ugaas 3. Cabdi Axmed Dhuxulow 4. Samsam Daahir Maxamuud 5. Cabdixakiim Macallin Axmed 6. Duniyo Maxamed Cali. Guddoomiyaha...

Wasiirka Difaaca ee dalka UK, Ben Wallace waxa uu sheegay inay Ciiddankaasi taageero ka geysan doonaan sidii loo soo daad-gureyn lahaa Muwaadiniinta UK iyo shaqaalihii hore ee Reer Afganistaan. “Waxaan bixiyey Amarka Ciiddamo dheeraad ah loogu dirayo Afganistaan si ay u taageeraan Diplomaasiyiinta iyo Muwaadiniinta Britain ee ku sugan magaalladda Kabul iyo inay taageeraan...

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland waxaa lagula eegtay duleedka Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan. Wararka la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in laba Gaari oo nooca dagaalka ah oo ka baxay dhinaca Magaalada kismaayo kuna wajahnaa degaanka Beerxaani qaraxa...

Hal sano kahor, 25-kii bishii tagtay ee July waxaa kala tegay mid ka mid ah lamaanayaashii ugu isbaheysiga adkaa siyaasadda Soomaaliya ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii Xasan Cali Kheyre, oo hadda ah musharax madaxweyne. Sida Xasan Cali Kheyre uu ku baxay iyo sanad kadib wixii dhacay waxay cashar weyn naga barayaan siyaasadda daneysiga...

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo uu hoggaaminayo Muuse Geelle Faroole, isla markaana Puntland u tegay Doorashadii Aqalka Sare oo ay goobjoog ka ahaayeen. Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Puntland sida ay doorashada...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa u hambalyeeyay lixda xubnood ee maanta Golaha Baarlamaanka Galmudug u doorteen inay ka mid noqdaan Golaha Aqalka Sare ee BFS oo ay Galmudug ku matalaan. Sidoo kale Qoor Qoor ayaa u mahad celiyay Guddoonka iyo golaha Baarlamaanka Galmudug iyo guddiyada doorashada heerarka kala duwan sida habsamida...

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ka dhacday doorashada lix kamid ah kurasta Aqalka Sare, waxaana ku tartamayay 12 musharax oo uu soo gudbiyay Madaxweynaha Galmudug. Musharixiinta ayaa marka hore waxaa ay khudbadahooda musharaxnimo waxaa ay u jeediyeen Golaha Wakiilada Galmudug, iyaga oo u soo badnhiga waxyaabaha ay qaban doonaan kana cosdsanayay...