Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Soomaaliya, Xasan Macalin Khaliif, ayaa gabar Soomaali ah kuna nool dalka Australia u horseeday in laga reebo tartan ay u geli lahayd kamid noqoshadda baarlamaanka waddankaas. Sida uu qoray wargayska The Age, Xasan Macalin Khaliif oo adeer u ah Sahra Axmed Mustaf ayaa u diray lacag taasoo sababtay in xisbiga Liberal-ka oo ay xubin ka tahay...

War kasoo baxay Ismaamulka Diridhabe ayaa lagu sheegay in lajaan gooyay qiimihii maciishada ee Diridhabe oo maalmihii lasoo dhaafay aad u kacsanaa. Haddaba waxyaabaha aad hoos loogu dhigay qiimahooda ayaa waxaa kamid ah Saliida 5ltr oo horey u ahayd 600 Birr ayaa hadda laga dhigay 450 Birr, Saliida 20ltr oo horey qiimaheedu u gaaray 1950 Birr waxaa laga dhigay hadda 1700...

Wararka ka imaanayo Deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii 13kmt dhinaca waqooyi ugu beegan Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax miino kaasi oo sababay dhimasho iyo dhawac. inta la xaqiijiyey 3 ruux ayaa ku dhawacantay 1 qof oo kalena waa ku dhintay kadib markii qaraxa miino uu ay la kacay Gaari siday qaad sida ay usheegen warbaahinta dadka deegaanka....

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso qabsashada guud ahaan Afghanistan ayaa in ka badan 90 xarumo warbaahineed la xiray, waxaana sii kordhay walaaca laga qabo badqabka saxafiyiinta dalkaas. Saraakiisha Afghanistan ayaa Arbacadii sheegay in inta badan xarumahan ay ku yaalleen gobollo Taalibaan ay qabsatay.. Sida ay xaqiijiyeen weriyeyshaasha iyo saraakiisha kale ee warbaahinta,...

Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo khamiis Gelinka dambe ay isugu yimaadaan shir ay ugu hadlayaan xaaladaha kajira xilligaan dalka  Soomaaliya & waxa u baahan in wax laga qabto si looga gudbo. Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa arrimaha dorashooyinka Soomaaliya oo qaarkood billowday, dhaqaalaha ku baxaya iyo sidoo kale arrimo...

Howgal ay sameeyeen Ciidamada Booliska degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen khamri farabadan iyo dad la sheegay inay ka ganacsanayeen. Taliyaha saldhiga degmada Buurtinle Laba xiddigle, Maxamuud Cabdiraxmaan Salaad (Miig) ayaa sheegay in howlgalka uu sigaar ah uga dhacay degaanka Maygaagle,oo xiga dhanka xadka Itoobiya, isla marlaana lagu...

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ee AMISOM ayaa sheegay inay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdadii lagu dilay todoba qof oo rayid ah, taas oo dhacday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dadka shacabka ah ee toogashadooda lagu eedeeyay AMISOM ayaa u badnaa beeraley, sida ay  xaqiijiyeen dad goobjoog u ahaa dhacdadan. AMISOM ayaa sheegtay in deegaanka...

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa la sheegay in uu isku soo dhiibay Xubin ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab. Ninka oo Magaciisa lagu sheegay Asad Shariif Abuukar ayaa saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in Ninkaan uu muddo ka tirsanaa AlAl-Shabaa , isla markaana meelo badan uu kasoo Shaqeeyay. Saraakiisha...

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda xilgaasriinta , Maxamed Xuseen Rooble, oo la hadlay ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Nairobi ayaa meesha ka saaray in khilaaf uu kala dhexeeyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Horraantii bishan ayay ahayd markii ay warqado u muuqdo kuwo la isugu jawaabayo ay ka soo kala baxeen xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisal...

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu qabto doorashada 6 kamid ah kuraasta Aqalka sare oo uu Maamulka Galmudug ku yeelayo Baarlamaanka Soomaaliya. Shalay guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug waxaa ay diiwaangeliyeen 12 musharax oo ku tartami doona lixda kursi ee Aqalka sare, kuwaas oo manta dhaceyso doorashadooda. Musharixiinta...