Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Shilka oo ah mid gaari ayaa waxaa uu ka dhacay Wadada N7, gaar ahaan Magaalada Clanwilliam oo (231.5 km) u jirta Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Shilka ayaa yimid kadib markii uu wadada ka baxay, isla markaana uu rogmaday Gaari Toyota ah oo ay wateen Dhalinyaro Soomaali ah, waxaana shilka ku geeriyooday Wiil Dhalinyaro ah oo lagu Magacaabi jiray Maxamuud Muxudiin...

12 xeer-beegti iyo saddex kale oo keyd ah ayaa Talaadadi shalay loo xulay in ay dhageystaan, kiiska Derek Chauvin oo horay uga tirsanaa ciidamada booliska gobolka Minnesota, kaas oo ku eedeysan dilka George Loyd oo ahaa nin ka mid ahaa bulshada madow ee Mareykanka. Guddigaan xeer-beegtida ah ayaa ka kooban lix nin iyo sagaal dumar ah. Sagaal ka mid ah ayaa caddaan ah,...

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19 oo Maanta bilaabmay, waxana uu madaxweynuhu si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka covid-19. Munaasibadda Daah-furka ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19, ayaa madaxweynaha waxa kala qayb-galay badiba xubnaha ugu sarreeya Somaliland...

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka difaaca dalka Talyaaniga Guerrini Lorenzo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay soo dhaweeyeen. Garoonka diyaaradaha Aadan cadde waxaa wafdiga ku soo dhaweeyey taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wasiirka...

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ayaa shaaca ka qaaday inuu bilowday wada-hadal u dhexeeyo isaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda gobolka Gedo. Janan oo wareysi siiyey BBC-da ayaa qiray inuu haatan wada-hadal hoose kula jiro dowladda dhexe oo uu horey ula dagaalamay, kadib iska hor imaadyo ka dhacay Beledxaawo. Wasiirka...

Salaad Roob doon ah ayaa maanta laga tukaday magaalada Jigjiga, iyadoo shacab aad u badan isugu soo baxeen garoonka kubadda cagta ee Jigjiga. Maamulka u sareeya Golaha Arrimaha Islaamka ee DDS, Culimada degaanka iyo qaybaha kala duwan ee shacabka magaalada Jigjiga ayaa kamid ahaa dadkii isugu soo baxay si ay u tukadaan salaaddan Ilaahay lagaga baryayo si uu abaarta uga...

Safaaradda Mareyanka ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada inay shirka wadatashiga doorashooyinka siwadajir ah uga qyeb galaan. Qoral kooban oo la soo dhigay Barta twitter-ka ee Safaaradda Mareyanka ee ayaa la faray Maamul goboleedyada in si shuruud la’aan ah...

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Maanta shir gudoomiyay shirka Amniga Gobalka Bari, kaas oo Maanta lagu qabtay Magaalada Boosaaso. Shirkan waxaa ka qayb galay dhamaan dhinacyada amniga ee ciidamada Booliska oo ka howlgala Magaalada Bosaaso iyadoo diirada lagu saaray  qodobo ay kamid ahaayeen Dardargalinta Amaanka Guud ee Gobalka Bari. Taliye...

Wararka ka imaanaya Dalka Shiinaha ayaa sheegaya in 4 Qof ay ku dhinteen, shan kalane ay ku dhaawacmeen, ka dib markii nin uu bumba Gacmeed uu ku qarxiyay xafiis dowladeed oo ku yaal koonfurta Dalka Shiinah , sida laga xigtay masuuliyiinta deegaanka wax ka dheceen. Nin 59 jir ah oo looga shakisan yahay in uu masuul ka ahaa qarxa ayaa sidoo kale ku dhintay qaraxa, booliska...

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgallo dad lagu qabqabtay waxaa ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle. Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Haramcad ee Magaalada Jowhar Xabiib salad Xureyste, waxaana howlgalka laga sameeyay wadooyinka & xaafadaha Magaalada...