Mareykanka oo Deni & Axmed Madoobe faray inay Shuruud la’aan ka qeyb galaan Shirka

by admin | Tuesday, Mar 23, 2021 | 304 views

Safaaradda Mareyanka ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqday Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada inay shirka wadatashiga doorashooyinka siwadajir ah uga qyeb galaan.

Qoral kooban oo la soo dhigay Barta twitter-ka ee Safaaradda Mareyanka ee ayaa la faray Maamul goboleedyada in si shuruud la’aan ah shirka uga qeyb-galaan si heshiis looga gaaro arrimaha doorasooyinka.

Maalintii labaad ayaa Xarunta Xerada Afisooni ee Magaalada Muqdisho waxaa shir uga socdaa Madaxweynaha muddo xiledkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dowlad Goboleedyada taageran, iyada oo ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Wakiilada Beesha Caalamka waxaa ay shirar gaar gar ah la yeelanayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ee Saciid Cabdullahai Deni & Axmed Madoobe si loogu qanciyo inay shirka ka qeyb galaan.

Like it? Share it!

Leave A Response