Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee 2021 oo ay hore u soo ansixiyey Golaha Xukuumadda Federaalka, ayna meelmariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee...

Faransiiska ayaa waxa uu isku dubaridayaa 100,000 oo boolis ah si ay u kala kaxeeyaan dadka isugu soo baxaya xafladaha lagu soo dhaweynayo sanadka cusub ayna u dhaqangaliyaan bandowga dalkaas lagu soo rogay si loo xakameeyo fayraska korona. Ciidammada dheeraadka ah ayaa sidoo kale looga gol-leeyahay in lagu hor istaago in gawaari dab la qabadsiiyo arrintaas oo badanaa...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ku sugan Magaalada Garoowe ayaa la kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Mohamud . Kulanka  labada mas’uul  oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaaladda siyaasaddeed ee dalka iyo arimaha muranka ka taagan yahay doorashooyinka...

Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed  ayaa  saacadihii laso o dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Degaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa kamid ah, Walamooy, Xaansholey, Basra, iyo daniga Baaloow , iyaga oo baadi goobaya Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab. Howlgalka...

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo khudbad ka jeedinayey shirka madasha aragti wadaaga ee maalintii labaad ka socda Garoowe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka. Mahdi Guuleed ayaa marka hore raalli-gelin buuxda ka bixiyey hadalkii uu horey u sheegay ee ahaa inay ku aadkaan doonaan wareega koowaad ee doorashada 2021-ka. Ra’iisul...

Banaanbaxaan ayaa waxa dhigay qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyaga oo uga soo horjeeday Maamulka Cusub ee dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle. Banaanbaxayaasha ayaa badankood waxa ay isugu soo baxeen Xaafada Xaawa-Taako ee Magaalada Beledweyne, iyaga qarkood dhagxaan iyo taayaro ay gubeen ku jaray wadada lamiga ah. Dad Banaanbaxa...

Ciidamada Booliska Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minasota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ay toogasho ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed, xilli uu ku sugnaa halka ay iska galaan Wadada Siger iyo leg-street. Jeylaani Xuseen oo Madax ka ah Hay’ad u dooda dadka Muslimiinta ah ayaa sheegay  in Ciidamada Booliska ay rasaas ku fureen Gaariga uu watay muwaadinka Soomaaliyeed,...

Iran ayaa la sheegay qoysaski ay 176-kii qof ee ku dhimatay diyaaraddi rakaabka ee ay ciidamadeeda soo rideen qofkiiba iney siiso magdhaw gaaraya $150,000 oo doolar. Ukraine ayaa ku baaqday inuu dhaco wadahadal ku aaddan magdhawga dhibbanayaasha la siinaya iyo xubnihi weerarkaasi ka dambeeyey sidi caddaaladda loo marin lahaa. Diyaarad rakaab ah uu nooceedu ahaa Boing 737-800...

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Garowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Heritage ayaa si qota dheer uga hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada. Axmed Madoobe ayaa shaaciyey ballamo ay uga baxday dowladda federaalka, kuwaas oo ku aadana sidii loo dhisi lahaa...

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah inay noqoto ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Ms. Gbeho ayaa xilkan kala wareegeysa Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah oo loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud iyo isku duwaha howlgalka ee xafiiska taageerada Qaramada...