Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Sudan ayaa ‘xoojin militari muhiim ah” u dirtay xuduudda Ethiopia, waxaa sidaas sheegtay warbaahinta dowladda, maalmo kadib markii ciidamada ay halkaas kusoo weerareen ciidamo Ethiopian ah. Askarta ayaa waxaa lagu daadgureeyey xuduudda bari ee magaalada Al-Fashaqa, halkaasi oo ah goobta ay isku dhacyada ka dhaceen, islamarkaana ah dhul ay sheegato Sudan balse ay haystaan...

Kulamo saacado badan qaatay oo dalka jabuuti uga socday qaar kamid ah madaxda wadamada IGAD ayaa la soo geba-gaeeyay, iyada oo kulamada qaar looga hadlay xalinta xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya. Sida Telefishinka Al Jazeera shaaciyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed oo todobaad...

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax khasaaro kala duwan geystay oo xalay ka dhacay degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka jubbaland. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa bambaano lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka waday xaafadaha degmada Baardheere xilli habeen ah. Warar...

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug oo maalmihii la soo dhaafay waday howlgallo kala duwan ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab. Howlgalka oo inta badan ka socday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu dhawaan ka dhacay qarax ismiidaamin ah ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada...

Saddex qof ayaa  ku dhimatay markii bambo meel looga tagay ay ku qaraxday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee dowladda. Wakaaladda ayaa warisay in qaraxu uu ka dhacay deegaanka Lideta oo u dhow bartamaha caasimadda, iyadoo intaa ku dartay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen shan kale. Qaraxa ayaa dhacay xilli...

Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti oo uu ka socdo Shir Madaxeedka Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka bilaawday kulamo lagu dhex-dhexaadinayo dowladaha Soomaaliya & Kenya oo uu khilaag xoogan ka dhaxeeyo. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle & Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa garwadeen ka ah labada dhinac, iyada oo kulanka ay goobjoog ka yihiin...

Heshiiskaan oo ku saabsan dhinaca horumarinta Beeraha ayaa waxaa Maanta magalada Hargeysa ee degaannada Soomaaliland  ku kala saxiixday mas’uuliyiin ka kala socda Taiwan iyo Soomaliland. Munaasabad kooban oo lagu qabtay Hargeysa ayaa waxaa heshiisa siwadajir ah u saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Dr Axmed Cali Maax iyo Mr. Mars Shiue...

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey xaaladaha ammaanka ee deegaanada maamulkaasi iyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Ciid ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay dagaalyahanada Al-Shabaab ay culeyskii ugu badnaa soo saareen gobollada Galgaduud & Mudug e bartamaha dalka. Madaxweyne ku...

Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay gudaha dalkaasi dil iyo dhaawac ugu geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa Ganacsi ahaan u tegay dalkaas. Kooxda Burcadda ah ayaa weeraray goobo ganacsi oo ku yaal Magalada Durban ee gobolka Kwazulu Natal, iyaga oo dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cilmi Dhagoole Xaashi. Sidoo kale Kooxda Burcadda...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ka hadlay walaaca ay siyaasiyiinta ay kamid yihiin musharixiinta Madaxweynaha Soomalaiya ka qabaan howlaah doorashada Soomaaliya. Laftaagreen oo khudbad ka jeedinayay munaasad loogu dabaal-degayay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii la doortay ayaa sheegay in la xalin...