Laftagareen” Waa la xalin doonaa cabashada Siyaasiyiinta ka qabaan doorashada”

by admin | Sunday, Dec 20, 2020 | 326 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ka hadlay walaaca ay siyaasiyiinta ay kamid yihiin musharixiinta Madaxweynaha Soomalaiya ka qabaan howlaah doorashada Soomaaliya.

Laftaagreen oo khudbad ka jeedinayay munaasad loogu dabaal-degayay sanad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii la doortay ayaa sheegay in la xalin doono walaaca & cabashada siyaasiyiinta Muqdisho jooga ay ka keeneen doorashada.

Waxaa uu ahdalkiisa intaasi ku daray inay muhiim tahay in mas’uuliyad la iska saaro xalinta cabashada ka imaaneysa siyaasiyiinta ee la xiriirta doorashada six al buuxa loo gaaro.

“Waxaa rabnaa inaan mas’uuliyad gooni iska saarno dhawaaqa iyo walaacii dadkii siyaasiyiinta ee xamar joogay ee cabashada ka qabay dorashooyinka una baahan in la isku qanciyo oo la wada hadlo, waa tii aan horay u balanqaadnay waa u istaageynaa, wax nagu muhiimsan oo rabno waxay tahay sidii horay u ahaan jirtay inay dooarasho dhacdo, si nabad ku dhacdo, waqtigeedana ku dhacdo ayuu yiri” laftaagreen.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in doorashada halka ay ka bilaabaneyso in wax lag xaliyo ay tahay mid wanaagsan oo horseedi karta doorasho ku dhacdo mid hufan oo xor iyo xalaal ah.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli muran la xiriira doorashooyinka uu taagan yahay, kadib markii Musharixiinta qaar ee madaxweynaha ay kasoo horjeesteen Guddiyada doorashooyinka oo ay sheegeen inay ku jiran Xubno ka tirsan NISA & Shaqaalaha Dowladda.

Like it? Share it!

Leave A Response