Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Koonfur Afrika

by admin | Sunday, Dec 20, 2020 | 342 views

Kooxo burcad Koonfur Afrikan ah ayaa waxaa ay gudaha dalkaasi dil iyo dhaawac ugu geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa Ganacsi ahaan u tegay dalkaas.

Kooxda Burcadda ah ayaa weeraray goobo ganacsi oo ku yaal Magalada Durban ee gobolka Kwazulu Natal, iyaga oo dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cilmi Dhagoole Xaashi.

Sidoo kale Kooxda Burcadda ah ayaa Goobtaasi ku dhaawacay lab qof oo kale oo kamid ah ahaa Ganacsatada Soomaalida,iyaga oo falkaasi kadib goobta ka baxsaday.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in kooxda Burcadda ah ay dhac u geysteen Dukaamo ay Soomaali leeyihiin,isla markaana aysan jirin dad u soo gurmaday Soomaalida dilka, dhaawaca iyo dhaca loo geystay.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan dilal iyo in la boobo hantidooda Soomaalida loogu geystaa, waxaana la sheegaa inay falalkaas kordhaan markii la gaaro bisha ugu dambeeyay sanad kasta ee December.

Like it? Share it!

Leave A Response