Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis horudhac ah gaaray

by admin | Monday, Dec 21, 2020 | 303 views

Kulamo saacado badan qaatay oo dalka jabuuti uga socday qaar kamid ah madaxda wadamada IGAD ayaa la soo geba-gaeeyay, iyada oo kulamada qaar looga hadlay xalinta xiisada diblumaasiyadeed ee u dhaxeeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Sida Telefishinka Al Jazeera shaaciyay Soomaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed oo todobaad ka hor ay Soomaaliya ay u jartay Kenya, kaddib markii ay ku eedeysay inay ku xadgudubtay madax bannaanimada dalka.

Madaxaweyne Farmaajo ayaa  inta badan Madaxda IGAD ay culeys ku saareen in uu xaliyo khilafka maadaama dowladiisa biloowdey Jarida Xiriirka Kenya, waxaana wararka horudhaca ah ee la ee la helay ay sheegayaan in lagu heshiiyey in Marka dalalkooda ku laabtaan ay faahfaahiyaan Heshiiska.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah madaxdii furitaanka shirka IGAD ka hadashay ayaa soo hadal qaaday sida loogu baahan yahay in si degdeg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Kulamada lagu dhex-dhexaadinayay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa hor boodayay Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti ismaaciil Cumar Geelle oo sanadkaan marti geliyay Shir Madaxeedka dalalka Urur Goboleedka IGAD.

Khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya & Kenya ayaa aad u xoogeystay labadii todobaad ee la soo dhaafay, waxaana dhaq dhaqaaqyo ay ka socdaan xaduudka labada dal, iyada oo dowladda Soomaaliya ay shalay degmada Doolow ka dejisay diyaarado siday Ciidamo farabadan.

Like it? Share it!

Leave A Response