faafaahin:Qarax ka dhacay degmada Baardheere & howlgallo ka socda

by admin | Monday, Dec 21, 2020 | 313 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qarax khasaaro kala duwan geystay oo xalay ka dhacay degmada Baardheere oo ka tirsan gobolka Gedo ee dowlad goboleedka jubbaland.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu ahaa bambaano lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka waday xaafadaha degmada Baardheere xilli habeen ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dad ay ku dhaawacmeen wallow aysan jirin cid faah faahin rasmi ah ka bixisay qaraxaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ilaa iyo saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafadaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay weerarkaasi bambaano.

Warar horudhac ah oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in howlgalka ay Ciidamada ku qabqabteen tiro dhalinyaro ah, kuwaas oo la geeyay saldhiga Booliska degmada, hayeeshee badankood la siidaayay.

Degmada Baardheere ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan gobolka Gedo, in kastoo mararka qaar ay Al-Shabaab weeraraan Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response