Laamanaha Amniga oo Gaalkacyo ku qabtay Rag laga shakiyay

by admin | Monday, Dec 21, 2020 | 416 views

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug oo maalmihii la soo dhaafay waday howlgallo kala duwan ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Howlgalka oo inta badan ka socday Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo uu dhawaan ka dhacay qarax ismiidaamin ah ayaa waxaa la sheegay in Ciidamada ay gacanta ku dhigeen Labo nin iyo Gaari ay wateen, kuwaas oo laga shakisan yahay.

Xubno ka tirsan laamaha Amniga ayaa waxaa ay sheegeen in raggaasi ay hayaan, isla markaana baaritaano ay ku wadaan wixii kasoo baxana Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa waxaa ay weli Magaalada Gaalkacyo ka wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii soo abaabulay qarax ismiidaamin ahaa oo dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Qaraxiii ka dhacay Magaalada Gaalakcyo ayaa waxaa ku dhintay Afar Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo duqii hore ee degmada Gaalkacyo qeybta Puntland, iyada oo saameyntii uu reebay weli laga dareemayo magaalada Gaalakcyo.

Like it? Share it!

Leave A Response