Wararkii ugu dambeeyay qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Addis Ababa

by admin | Monday, Dec 21, 2020 | 429 views

Saddex qof ayaa  ku dhimatay markii bambo meel looga tagay ay ku qaraxday caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, sida ay ku warameyso wakaaladda wararka ee dowladda.

Wakaaladda ayaa warisay in qaraxu uu ka dhacay deegaanka Lideta oo u dhow bartamaha caasimadda, iyadoo intaa ku dartay in qaraxa ay ku dhinteen saddex qof ayna ku dhaawacmeen shan kale.

Qaraxa ayaa dhacay xilli uu gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaasi muddo lix toddobaad ah ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada federaalka iyo ururla TPLF, laakiin ma jirto wax tilmaamaya in uu xiriir ka dhexeeyo qaraxa iyo colaadda gobolkaasi.

“Waxaa socda baaritaan la xiriira qaraxa, shacabkana waa lala wadaagi doonaa marka uu baaritaanku dhamaado,” ayay wakaaladdu warisay.

Tan iyo markii xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ay 4-tii November duullaanka ku qaadday gobolka waqooyiga ku yaalla ee Tigray, waxaa jiray dhowr qarax oo yar yar oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Booliska federaalka ayaa ku eedeeyay qaraxyada qaar kooxda TPLF, laakiin ma aysan keenin caddeymo ay ku taageerayaan sheegashadooda.

Like it? Share it!

Leave A Response