“Chelsea Wey Ka Qoomameyn Doontaa Qaladkii Ay Sameysay Suuqa Kala Iibsiga,” – Fabinho Oo Chelsea Tallaabada Ku Eedeeyey

by admin | Wednesday, Sep 12, 2018 | 956 views

Khadka dhexe ee Liverpool Fabinho waxa uu sheegay in Chelsea ka shalleyn doono qaladkii ay suuqa kala iibsiga ka sameeysay xagaagan, iyada oo aan fursad siin Tiemoue Bakayoko.

Laacibka reer France waxa uu Chelsea £35million uga soo biiray Monoco xagaagii hore xilligaas oo uu Conte maamulayey balse ma soo bandhigin ciyaar lagu qanco walow uu ku soo bilowday fiinaalihii FA Cup-ka.

Hase ahaatee, Maurizio Sarri, ayaa durba markii uu xilka la wareegay amaah ugu diray AC Milan.

“Ma qabo in uu wax badan dhibtooday,” ayuu yiri Fabinho oo la hadlaya Yahoo. “Waxaan daawaday dhawr kulan waxa uuna iila muuqday caadi aniga.

Advertisement

“Caadiyan, xilli ciyaareedka kuugu horreeya ee koox cusub wey adag tahay mana fileyn in uu tagayo, laakii AC Milan waxa ay heleysaa ciyaaryahan wanaagsan.

“Waan hubaa in uu caddeyn doono sida uu u wanaagsan isaga oo tusi doonaa waxa uu ku sameeyey Monoco.

“Waan hubaa haddii uu ku soo laabtoEngland in uu sidii hore ka xoog badnaan doono oo uu qof walba tusi doono waxa uu awoodo.”

Like it? Share it!

Leave A Response