Maxaa Sabab U Ahaa In Paul Pogba Ku MASHQUULIN TINTIISA Koobkii Aduunka? Isagaa Ka Jawaabaya

by admin | Wednesday, Sep 12, 2018 | 932 views

Paul Pogba waxa uu daaha ka rogay in uu ULA KAC go’aan ugu gaadhay in uu qaab aan is muujin ah uga qeybgalo koobka aduunka oo uu ku mashquulin tintiisa.

Tin jarashada Pogba waxa ay inta badan ahayn hadal haynta kulan walba isaga oo marba naqshad cusub la soo bixi jiray.

Laacibka Manchester United waxaa sidoo kale lagu eedeeyey marar badan qaab jarashadiisa – gaar ahaan kulamada waa weyn.

Pogba waxa uu aad u jeclaa in uu tintiisa marba midab cusub soo mariyo isaga oo u soo jaranaya qaab cusub.

Hase ahaatee, waxa uu daaha ka rogay in uu iska xakameeyey dhaqankaas intii uu socday koobkii aduunka.

Sababta waxa uu Pogba ku sheegay in uu ka fogaanayey in uu ku mashquuliyo arrintaas xulka France.

“Naqshad jarmada madaxa kaama horistaagi karto in aad hadasho, laakiin ula kac ayaan waxba u sameyn, waxaan u sameeyey si aan u muuqan,” ayuu u sheegay RMC.

“Ma rabin in mar marsiiyo laga raadiyo qaab jarmadeyda.

“Waxaan rabnay in ay diiraddeedu soo jeedo. Ka hadalno kubadda cagta, ku hadalno garoonka, ka hadalno bandhigyada.”

Like it? Share it!

Leave A Response