Barcelona Oo Wariye TV U Magacawday Xil Muhiim Ah

by admin | Wednesday, Sep 12, 2018 | 964 views

Barcelona waxa ay wariyaha caanka ah ee telefishinka beIN Sport, Jerome Bigot, u magacawday sahmiye/wiideeyeheeda ciyaaryahanada, sidaas waxaa laga soo xiganayaa “El Club de la Mitjanit” oo ah barnaamij habeenka isniinta ah soo gala.

Bigot oo hore u soo ahaa goolhaye horyaalka heerka labaad ee League 1-ga ayaa waxaa Barcelona u soo xero galiyey agaasimeheeda ciyaaraha Eric Abidal.

Abidal iyo sahmiyaha cusub ee Barca waxa ay ka wada shaqeeyeen beIN Sport markii uu socday Euro 2016.

TV3 waxa ay daah ka rogtay in shaqada Bigot noqon diinto laba xaduud oo kala ah horyaalka heerka kowaad iyo labaad ee France oo mid ah iyo horyaalka Italy.

Sidoo kale waxa uu isha ku hayn doonaa horyaalada yar yar ee kale sida Switzerland, Austria iyo Czech Republic.

Bigot oo la magacaabay 1-da Sep waxa uuna ka dhacayaa 2011-ka oo ah xilliga uu waqtiga ka dhammaanayo xilka maamulka talada haya.

Tan iyo markii uu Abidal xilka kala wareegay xagaagii hore Robert Fernandez, Barca waxa ay ahmiyad siisay France oo ah halka uu ku takhasusay Bigot.

Like it? Share it!

Leave A Response